Ololaha Maalmaha Caafimaadka Carruurta oo Berri dalka ka Bilaabmaya

Hargeysa (SLpost)- Munaasabad balaadhan oo maanta ka dhacday Hotel maansoor ee Magaalada Hargaysa ayaa  lagaga dhawaaqayey ololaha maalmaha Caafimaadka caruurta Somaliland oo maalinta berito si rasmi ah uga bilaaban doona guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka.

Ololaha maalmaha caafimaadka oo socon doona muddo labo iyo toban maalmood ah oo ah inta u dhexaysa 21 Oct ilaa 02 Nov ayaa waxuu ku saabsan yahay sida loo daryeelayo Hooyada ilmaheeda loona ilaalinayo caafimaadkooda sida ay baahisay Wakaaladda wararka Somaliland ee Solna.

Munaasabadan waxaa  ka soo qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Marwada madaxweynaha JSL Marwo aamina X Maxamuud Jirde (A Weris, wasiirka shaqada iyo Arimaha Bulshada  Md Maxamed maxamuud Barre (Garaad), wasiir ku xigeenka Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan iyo mas’uuliyiin kale, goobjoog-na ay sidoo kale ka ahaayeen hay’adaha wada shaqaynta la leh wasaaradda caafimaadka ayaa Marwada madaxweynaha Somaliland waxay ku boorrisay bulshada Somaliland inay ka faa’iidaystaan maalmahan qaaliga ah ee loo qorsheeyey caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka, taasoo qayb ka ah qorshayaasha caalamiga ah ee lagaga hortegayo cudurada faafa iyo nafaqo darada caruurta ku timaadda.

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxay tilmaantay in Warbaahiyaha Cusub ee Idaacada Radio hargaysa uu yahay ka keliya ee gudbin kara farriimaha Wacyigelineed sida kuwa caafimaadka isla markaana Reediyowgu ka duwan yahay warbaahiyayaasha kale oo Miyi iyo Magaaladaba gaadhsiin karo wixii bulshada u dana .

Marwo Nimco Xuseen qawdhan wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka oo iyana munaasabadaasi hadal kooban ka jeedisay iyadoo shaqaalaha ka hawlgalaya ololahan caafimaadkana fartay inay sidii loogu talo galay u gutaan waajibaadka ka saran fulinta hawshan muhiimka u ah bulshada Somaliland.

Somalilandpost.net/Hargeysa