Ogeysiis: Shir Muhiima (Maamulka Jaaliyadda SL Ee Norway)

Maamulka Jaaliyadda Somaliland ee dalka Norway waxa ay ogaysiinayaan xubnaha jaaliyadda in weftigii ka socday Dawladda Somaliland ee dalka Norway u yimi in ay Goobjoog ka noqdaan doorashada goleyaasha degaanku, maalinta berri ee Jimcaha ah ay la kulmi doonaan dadweynaha degan magaalada Oslo iyo agagaarkeeda.

Goobta Kulanku waa Tøyenbakken 24, 0188 Oslo ama Dabaqa 2aad ee masaajidka Pakintaanta ee Grønland.

Saacada Shirku waa: Shanta Galabnimo (Kl. 17.00).

Weftiga oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, xubnona ay ka yihiin Guddoomiye ku xigeenka Guddida Doorashooyinka Qaranka, Af-hayeenka Guddidaa iyo Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada, ayaa waxay noqonayaan weftigii ugu balaadhnaa ee ka socday dalka Somaliland ee booqasho ku yimaada dalkan Norway.

Haddaba, haddii aanu nahay maamulka jaaliyadda waxa aanu ka codsanaynaa xubnaha jaaliyadda in ay ka soo qayb galaan kulankan oo noqonaya mid muhiim ah oo xog iyo warbixin balaadhan ay ku siin doonaan xubnaha jaaliyada.

 Allaa Mahad Leh

N.B. Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh

Rashiid Muuse Ismaaciil

Guddoomiyaha Jaaliyadda

Tel. 90693449.