OGEYSIIS KA YIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA, GANACSIGA IYO MAALGASHIGA MUDANE AXMED XASAN CARWO KUNA SOCDA ARDAYDA JAAMACADAHA SOOMALILAND

Xafiiska La-taliayaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Xasan Carwo waxuu u soo bandhigayaa dhalinta ardayda jaamacadaha dalka tartan qoraal oo ah:

Iyadoo ay bil ka hadhay muddadii sanad guurada labaad ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka ka talinaysay, waxa habboon inaynu helno qoraalo madax banaan oo qiimeyn cilmiyeysan ku sameeya waxtarkii iyo guushii ay ka gaadhay horumarinta dalka debed iyo gudaba iyo meelaha ay ka jirto dabacsanaantu.
Waxa laga doonayaa tartamayaasha sidan:

1. Qoraal qiimeyn ah guusha ay xukuumaddu gaadhay, taas oo ay rayi madaxbanaan iyo aragtida dadweynaha ku saleeyaan.
2.  Qayb qoraalka ka mid ah oo ay ku tilmaamaan meelaha dhaliishu ka jirto, iyagoo dhinac dhigaaya sida taas wax looga qaban karo.
3. Talooyin iyo tilmaamo hore leh iyo meelaha ugu haboon ee ay tahay in wax laga qabto siiba horumarinta bulsho tacliin, siyaasad, dhaqaale, shaqo abuur, ganacsi iyo cadaalad ahaanba seddexda sano ee muddadii xukuumaddan uga hadhsan .
4.  Qoraalku waa inaanu ka yaraan 5.000 kana badnaan 10.000 (Erey)
5.  Qoraalka waa in lagu soo gudbiyaa email ahaan ugu dambayn 10 July 2012
 6.  Waa inuu ardaygu soo qoraa magaciisa oo seddexan, madada, fasalka iyo jaamacadda uu dhigto.

 Waxa loo qaban doonaa dhammaan tartamayaasha xaflad lagu abaalmariyo oo la gudoonsiiyo shahaadad ka soo qaybgalka ah iyo shanta ugu wacan  oo la siiyo shahaadad sharaf iyo baadifad qiimo leh. Sidoo kale qoraalada la xulo waxaa lagu soo daabici doonaa wargeyska DAWAN.


Ku soo haagji qoraalkaaga  eci.advisor@gmail.com

Axmed Xasan Carwo

La-taliayaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga,iyo  Maalgashiga