OGEYSIIS: Ka soo Qayb-gal Xafladda Qaadhaan-ururinta Dhismaha Jidka DAWGA-CAD

Magaalada Cardiff ee gobolka Wales dalweynaha UK, waxa maalinta Axadda ee bishu tahay 16-ka February, 2014, lagu qaban doonaa Xaflad qaadhaan loogu ururinayo dhismaha jidka Dawga-Cad ee Woqooyiga Caasimadda Hargeysa, kaas ooh al-bowle u ah isu socodka Somaliland iyo Dalka Jabuuti.

Munaasibadda waxa ka  soo qayb-galaya wefti ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayo Eng. Dhisaya Waddadan Eng Cali Cabdi Sarajoog oo warbixin ku aaddan marxaladda ay waddadaasi marayso ka jeedin doona munaasibaddaas.

JIDKA