Ogeysiis: Jaamacadda Hargeysa iyo Kooraska Dhaqanka Ee Xagaaga!

Jaamacadda Hargeysa waxa ay ogeysiinaysaa bulshada in  bilaha Xagaaga (June/Julaay) ee sannadkan 2013-ka ay bixinayso casharro ku saabsan culuumta dhaqanka, suugaanta iyo afka Soomaaliga oo loogu talo-galay in lagu kobciyo aqoonta barbaarta Somaliland ee ku nool qurbeha, dalkana ku soo laabta xilliga xagaaga ah iyo ciddii kale ee jecelba.

uohDuruustan waxa weheliya safarro lagu tegayo goobaha taariikhiga ah ee waddanka sida Laasgeel iyo meelo kale haddii Alle idmo. Xiisadaha waxa bixinaya bareyaal xul ah, waayo-aragnimona u leh Suugaanta iyo Sooyaalka ummadda. Waa qayb ka mid ah dedaalka Jaamacadda Hargeysi ugu jirto faafinta iyo noolaynta dhaqanka soo-jireenka ah oo ay cid walba masuuliyadi ka saaran tahay..

Wixii faahfaahina kala xidhiidh Xarunta Jaamacadda Hargeysa iyo ciwaannadan Email: saedmgahair@hotmail.com Tell: 4179975

saedmgahair@hotmail.com