OGEYSIIS: Fadlan Kaalay Oo U Hiili Qaranka Iyo Qadiyada Somaliland

Banaanbax balaadhan oo lagu taageerayo gooni isu-taaga Somaliland ayaa ka dhaci doona magaalada Den Haag (Hague)  ee dalka Holland (The Netherlands). Bannaan baxani waxa uu qayb ka yahay kuwa ka dhacaya Yurub qaybaheeda kale. Waa bannaan bax ujeedadiisu tahay in lagau taageero qaddiyada gooni siu taaga Somaliland oo hadda maraya sannadkii 21aad.

Bannaanbaxu wuxuu qabsoomayaa: Maalinta: Arbaca, 22 February 2012

Wakhtiga: 09:00 subaxnimo ilaa iyo 12:00ka duhurnimo

Banaanbuxu waa laba qaybood:

Qaybta hore waxa ay bilaabmaysaa 09:00 subaxnimo, waxa aanay ka dhacaysaa

Goobta: Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Holland (The Netherlands),Bezuidenhoutseweg 67,  2594 AC Den Haag (xafiiska Wasaaraddu waxa uu ku ag yaalaa Hague Central Station, waxaana Hague Central Station dhexdiisa idinku sugaya dad idin hagi doona)

Marka laga dhamaado Wasaaradda Arimaha Dibadda waxa loo lugaynaa oo ay qaybta labaad ka dhacaysaa Safaaradda Ingiriiska oo aan ka fogayn Wasaaradda.

Isku soo baxan balaadhan waa mid sidoo kale Beesha Caalamka lagu weydiisanayo in ay aqoonsadaan jiritaanka Somaliland, isla markaana ixtiraamaan rabitaanka shacbiga Somaliland. Waa banaanbax lagu muujinayo Madax-bannaanida, qarrannimada iyo horumarka Somaliland.

Banaanbaxa waxa soo abaabulay Ururadda Reer Somaliland ee dalka Holland oo uu udub dhexaad u yahay ururka Hooyo waa lama huraan.

Waxaan ka codsnaynaa dhamaan shicibweynaha reer Somaliland ee  ku dhaqan Holland in ay xil gaar ah iska saaraan bannaan baxan oo ay uga soo qayb galaan si sharaf leh.

Wixii faahfaahin ah fadlan kala soo xidhiidh:

Cabdalle Xassan Xawaadle, e-mail: ahawadleh@yahoo.com ,telefoon:0648368113