Ogaysiis: Xubnaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf wuxuu Ogaysiinayaa dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE inay kaadhadhka Shirweynaha Golaha Dhexe ka doontaan Xarrunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa ugu danbayn 12ka April iyo 13 ka .

Sidaasi darteed, waxa Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE lagu adkaynayaa inay wakhtiga dhawraan oo ay kaadhadhka ka soo qaataan Xarunta, maadaama shirweynihii Golaha dhexe ee xisbigu qabsoomi doono 14-ka Bishan.

ALLAA MAHAD LEH

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE
Xasan Siciid Yuusuf