Ogaysiis: Shirka Telephone-ka ee Qurbajoogga Somaliland, Fadlan ka soo qayb gala.

Waxa dhamaan qurba jooga Somaliland la ogaysiinayaa meelkasta oo ay joogaan inay ka soo qayb galaan shir telephone (conference call) oo ay qabanayso Dawlada Somaliland. Ujeedada shirkan telephoneku waxa weeye in madaxdu ka hadasho shirka London ee lagu soo casumay Somaliland iyo guud ahaanba xaalada nabad gelyo ee waddanka. Shirka waxa ka hadlaya Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibada, iyo Mudane Maxamed Nuur Caraale [Duur], Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Shirku wuxu dhacayaa maalinta Axada, bisha February 5 – teeda:

A – Saacadu marka ay tahay 1-da durnimo ee Washington, DC
B – Saacadu marka ay tahay 6-da fiidnimo ee London
C – Saacadu marka ay tahay 7-da fiidnimo ee Amsterdam
D – Saacadu marka ay tahay 1-da duhurnimo ee Toronto
E – Saacadu marka ay tahay 7-da subaxnimo ee Australia (maalinta dambe ee Isniinta)
F – Saacadu marka ay tahay 9-ka habeenimo ee Hargeysa

Waxad aad soo wacdaa telephoneka waddankaaga ee hoos ku qoran iyo muftaaxan 152200# oo ka dhaxeeya dhamaan telephonada hoos ku qoran oo dhan, ha ilaawin marka aad muftaaxa garaacdo inaad garaacdo # calaamadan:

1 – Australia              – +61 1300 781 254
2 – Canada              – 1 559 546 1444
3 – France                – 33 (0) 1 8014 0660
4 – Germany            – 49 (0) 631 206 9400
5 – Netherlands        – 31 (0) 20 322 3010
6 – United Kingdom  –  44 (0) 784 843 2902
7 – United States      – 1 559 546 1401

Waxa dhamaan aanu ka codsanaynaa shicibka Somaliland ee qurba jooga ah meel kasta oo ay joogaanba inay ka soo qayb galaan shirkan oo ku muujiyaan taageerada qaranimadooda. Shirkan telephone waxa uu qaadayaa 1000 qof oo keliya markaa fadlan ku dadaal in wakhti hore aad soo gasho si aanu kaaga buuxsamin. Shirkanu waa mid dhegaysi ah ee aan su’aal toos loo waydiin Karin madaxda hadlaysa waayo dadka golaha ku jira ayaa aad u fara badan. Wixii suaalo ah ee aad hayso, fadlan iyada oo qoraal ah waxad ku soo hagaajisaa ciwaanka emailkan somaliland@somaliland.usmadaxduna way ka jawaabayaan dhamaan suaalaha inta wakhtigu samaaxo oo dhan. Wakhtiga uu shirkanu soconayaa waa saacad keliya markaa ku soo dadaal inaad goor hore soo gasho.

Waad mahadsan tahiin.