Ogaysiis iyo Martiqaad Shirka Telephoneka Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa

Waxan dhamaan ogaysiinayaa Jaaliyada Somaliland ee ku nool waddamada USA, UK, iyo Canada in Gudoomiyihii Jaamacada Hargeysa Dr. Abdi Hussien Gass uu marti noogu yahay Washington DC. Waxa aanu kugu marti gelinaynaa inaad nagala ka soo qayb gasho shirka telephoneka (conference call); shirkan oo aad kaga soo qayb geli karto haddii aad joogto wadamada hoos ku qoran oo aad soo wacdo telephone-nada hoose ku qoran waddankasta.

1 – USA number +1 559-546-1401 and muftaaxuna waa 152200
2 – Canada number +1 559-546-1444 and muftaaxuna waa 152200
3 – UK number +44 (0) 7848 432902 and muftaaxuna waa 152200

Maalinta uu shirkanu dhacayaa waa maalinta Axada bisha October 7-deeda, saacadu marka ay tahay labada 2pm galabnimo wakhtiga Washington DC iyo Toronto-ba ama marka saacada London tahay 9pm –ka habeenimo. Gudomiye Dr. Gass wuxu ka waramayaa xaalada Jaamacadaha Somaliland maanta ku jiraan, waxyaabaha hor taagan ee dhibaatooyin ah, iyo sida qurbajooga Somaliland u taageri karaan. Waxa shirkan soo qaban qaabiyay Xafiiska Somaliland Mission ee USA iyo Jaaliyada Washington DC.

Somaliland Mission
Washington DC
www.somaliland.us
Phone: 703-880-6537
mission@somaliland.us