Oddoroska Mustaqbalka Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya

Qoraalkan waxaan  ku oddorosayaa ama ku saadaalinayaa mustaqbalka wada hadalada Somaliland iyo dawlada federalka ah ee soomaliya.waxaan jecelahay in aan sawir ka bixi ama saadaaliyo  iyo naatiijada ka soo bixi karta.

1 July 1960-kii, waxa dhidbaha loo taagay jamhuuriyaddii soomalida oo ka koobnayd goboladii waqooyi (soomaliland) oo maxmiyad u ahaa boqortooyada biritayn oo xoroobay  26 june 1960-kii. Iyo goboladii koonfurta soomaliya oo uu gumaystay talyaanigu.laba gobol ayay ka koobnayd jamhuuriyaddi soomalidu.sida taariikdu ka marag kacday ama siyaasiyintii xilligaas  hugaaminaysay labada gobol ma jirin wax shuruuda ah oo ay kala qorteen labada gobol ee ay ka koobnayd soomalidu.waxa sidaas lagu unkay jamhuuriyaddii soomalida oo madax ka ahaa aadan cabdulle cusmaan (aadam cadde).

dddGoboladii waqooyigu ee isla markiiba waxa ka bilaamay cabashooyin  iyo tabashooyin la xidhiidha dhanka awood qaybsiga kurasta dawladii somalida.tabashooyinkaas xiligas waxba laga ma qaban sida taarikgdu caddaysay.

waxa talada la wareegay cabdirashiid cali sharmarke.waxa uu raysalwasaare  u magaacabay maxamed  X. ibraahim cigaal oo ka soo jeeday goboladi waqooyiga.tallabaadaas dad badan ayaa soodhaweeyay waxaanay xal iyo daawo u noqotay cabashooyinkii gobolada waqooyiga soomaliya,haseyeeshe, laba sano ka  dib,waxa la dilay madaxweynihii soomaliya.taladina waxa xoog ku qabsay cidamadii xoogga dalka soomaliyeed taarikhdu markay ahayd 1969-kii.

Inqlaabkaas milatari sixoog leh ayaa loo soo dhaweeyay dalka horumar ayay ka sameeyeen. Sida dhinaca dhaqaalaha,waxbarashada iyo wax soosaarka.hase ahaate,rajiimkaasu muu noqon mid ay dadka soomalidu mahadiyaan,qabyaalada iyo qaraaba kiil,xasuuqa iyo xadhiga, dhac iyo boobka.dilka iyo cabudhinta  ,dhammaan in taas aan soo xusay  waxa ay aheeyeen ,wax yaabihii uu ku kacay rigiimkaasi.waxa xusid mudan in xasuuqi ka dhacay goboladii  waqiiya soomalida ,ku dhawaad   50,000  qof ayaa lagu dilay boqolaal kun ayaa ku barakacay ,hanti aan la qiyaasi Karin ayaa ku burburtay .taasi waxa ay dhashay Inay saraakiishi waqooyiga kasoo jeedday ay isku dayaan inqilaab milatari oo fashilmay,inqilaabkasi waxa  uu kor u sii qaaday nacaybkii uu rajiimkii siyaad barre u qabay dadkii ka soo jeeday gobolada waqooyiga.waxa ay tani dhalisay in la sameeyo jabhaddii la odhan jiray SNM oo xoog ku qabsatay goboladii waqooyiga.

18 may 1991-kii,waxa lagu dhawaaqay in ay Somaliland ka go’aday somaliya.arnkaas somaliya may soo dhawyn balse  waxa ay hoosta ka xariiqday in midnimada soomaliya ay muqaddas tahay.

20 sano in ka badan ayay soomaliland ka madaxbanaanayd soomaliya iyadoo raadinaysa ictiraaf caalamaya.waxa Somaliland xaaraan ku tilmaameen la kulanka somaliya.hase ahaate.waxa kurisga si doorasho ah kula wareegay  axmed maxamed maxamuud silaanyo  oo ahaa hugaamihii ugu muddada dheera SNM.waxa ay xukuumaddiisu ku guulaysatay in wax bedel iyo kaabis  ku samayso xeerkii diidayay la kulanka soomalida.waxa ay ogalaatay (Somaliland) in ay soomaliya miiska wada hadalka la fadhiisato .sidaas ayay ku bilaabmeen wada hadalka soomaliya  iyo Somaliland.hadaba aynu is waydiinoo,maxa ka soo bixi kara mustaqbalka wada hadaladan?

Intii ay socdeen wada hadaladda dawlada federalka  iyo Somaliland ,kama soo bixiin wax natiija ah oo lagu qanco  marka laga reebo laba qodob oo kal ah:

  1. Cambaaraynta xasuuqii   ku dhacay shacabka soomaliland
  2.  Iyo kala soo wareegidda hawada somaliya UN-ka.

Marka laga tago labadan qodob ,waxa ay labada dhinac hishiisku yihiin in  wada hadalku sii socdo,hadaba haddi mustaqbalka ay wada hadalkani sii socdo u dhexeyaa labada dhic ee somaliya iyo Somaliland,maxa ka soo bixii kara?

Haddii aynu odorosno qodobka ugu muhiimsan ee ah, “midnimda soomaliya waa muqadas iyo gooni isu tagga soomaliland waa muqadas” muxuu dhica kasta soo qaddimi karaa ama soo bandhiggi karaa si uu u helo ama u qanciyo  si uu ugu guulaysto rabitaankiisa?

Aan ku horayno dhinaca dawladda federalka  soomaliya.

Dawladda soomaliya waxa ay soo bandhigi karaan si ay u helaan quluubta  shacabka soomaliland ama ugu qanciyaan waftiga soomaliland in ay dib ula midoobaan soomaaliya,ballan qaadyadan soosocda:

  1. In caasimadda hargaysa lo wareejiyo
  2. In dawlada fedraalka somaliya ay ka helaan kuraas iyo xilal badan
  3. In magdhaw laga siiyo burburkii iyo xasuuqi loo gaystay Somaliland

Qodobadan ama ballanqaayadan ay soo bandhigi karto somaliya si ay somalilamd ugu qanciso  in ay aqbaalaan midnimada soomaliya.runtii ma noqon karaan wax ay u guuxdo  oo ay dhaafsato gooni isu tagg.lama odhan karo waa xaaqiiqo ka muuqata waaqica Somaliland sidaa awgeed maha wax ay Somaliland qaadan karto ama ku qanci karto xitta hal qodib oo ka mid ah laakin maxay Somaliland   soo bandhigi karta ?

Marka aynu eegno aragtida iyo hadalada ka soo yeedhaya masuuliyiinta talada haysa ee Somaliland gaar ahaan xukuummadda axmed silaanyo.waxa ay soo bandhig karaan hal qodob oo ah in  la sameeyo codbixin laga qaado shacabka Somaliland,waxayse taasu u muuqata in ay xisbiyada mucaaridku ku gacansaydhi doonaan,sikastaba ha noqotee,dawladda soomaliya ma aqbali kartaa qaodobkan?

Waxa ay u muuqata oddoroska siyaasadu in ay adkaan doonto sida ay ku aqbaalaan laakin haddii ay bulashada caalamku caddaadis ku saarto in ay aqbalaan taas,waxa ay ku xidhi karaan hal shardi oo ah: in ay ka dhex ololeeyaan xilliga codbixinta.taas Somaliland uma muuqato in ay aqbaali karaan.

Gabagabadii: waxa aan ku soo afmeer karaa qoraalkaygan aan ku oddorosayay wada hadalka soomaliland iyo soomaliya in ay arintu tegi doonto in ay la  qaado cod bixin ama istiftaa haddi taasi ay soomaliya u guuxi waydo ,wada hadalka labada dhica waa uu fashilmi dooona.

Qore: Bashiir Raacdeeye

Qoraa,Cilmibaadhe