Odayaasha Buuhoodle Oo Go’aan Ka Soo Saaray Joogitaanka Cali Khaliif iyo Xaglatoosiye

Buuhoodle(SLpost)-Odayaasha deegaanka Buuhoodle ayaa lagu soo warmayaa inay soo saareen go’aano lagu dhexdhexaadinaayo Cali Khaliif iyo Xaglatoosiye oo ku hirdamaaya gacan ku haynta deegaanada Buuhoodle.

Odayaasha ayaa go’aamiyay inay labadan dhinac ku wada sugnaadaan Buuhoodle si nabad ahna ku wada joogaan, Xaglatoosiye ayaa hore ugu hanjabay inuu awood ciidaan kaga saari doono dagaal ooge CalI khaliif deegaanka Buuhoodle, waxaanay haatan odayaashu ay isku dayayaan in aan deegaankaas dagaal ka dhicin.

Xaglatoosiye ayaa horkacaaya diiwaangalinta codbixiyayaasha oo deegaanadaas laga samayn doono halka Cali Khaliif Galaydh oo hogaamiya Kooxda Khaatumana uu doonayo inuu carqaladeeyo talaabadaas.