Odayaal iyo Wax-garad Shaaciyey In ka caga-jiidday Fulinta Dhul-beddel loo ballan-qaaday Jagooyin ay leeyihiin Agoonta Mujaahid Jaamac Muuse oo la iibiyey iyo Baaq ay u direen Madaxweynaha Somaliland

BURCO (SLpost)- Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Bariga magaalada Burco oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaaladaas, ayaa si adag uga hadlay Dhul ay dawladda Hoose er magaaladaasi Xoog kaga qaadday Agoonta uu ka dhintay Allaah ha u naxariistee Mujaahid Jaamac Muuse Ciise.

Dhulkan oo Qoyska Mujaahid Jaamac Muuse Ciise Mulkiyaddiisa iska lahaayeen illaa 1978kii isla markaa ay waraaqaha sharcigiisa haystaan, ayaa dawladda Hoose ee magaaladaasi xoog kula wareegtay isla markaana ay ka iibisay cid kale, iyadoon ilaa hadda aanay jirin wax dhulbeddel ah oo dawladda Hoose siisay.

fffArrintan oo in muddo ah soo taagnayd, isla markaana ay qoyska mujaahidku muddo afar sanno ka sugayeen dhulbeddelkii ay xaqa u lahaayeen, waxa tiraba dhowr jeer ka hadlay isla markaana cambaareeyey Odayaal iyo Waxgaradka magaalada oo baaqyo kala duwan warbaahinta u mariyey Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan iyo Maayarka magaalada oo labaduba diiday inay dhul beddel ah siiyaan Agoonta Mujaahidka.

“Dhulkan markii la iibiyey 2015-kii, markii aannu Dacwoonnay ee aannu Caddaymahayagii Dawladda hoose geynay, dawladda hoose waxay noo caddaysay, waxay noogu qortay caddayntan dawladda dhexe, dawladda dhexena way noo caddaysay, waxaanay soo saartay in Dhulkayaga nala siiyo oo Agoontaa dhulkooda loo celiyo, markay socon wayday Madaxtooyada ayaannu ku soo noqonnay, welina waxba nalooma dhaqaajin. Markaa, waxaannu Madaxtooyada wakhtiga yari u hadhay ka codsanaynaa in Dhulkayagaa naloo soo celiyo.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Odayaashaa Shirka Jaraa’id shalay ku qabtay Burco.

dhulka mujaahidSidoo kale, Oday ka mid ah Duqayda halkaas ka hadashay, ayaa yidhi; “Waxaannu Dawladda ka codsanaynaa inaan Agoontaa yaryar ee Dhulkoodii la haysto lagu tacaddiyin ee ay dawladdu dhulkooda u soo celiso, iyadoo Xukuumaddu iska xil-saaraysa Amniga iyo Sharciga. Carruurtan Dhulkoodii Aabbohood uga dhintay waa la iibiyey, haddii la iibiyey oo aan loo soo celinayna in beddelka dhulkooda la siiyo. Markaa, waxaannu Xukuumadda ugu baaqaynaa oo ka codsanaynaa in Dhulkaas gacanta loo soo geliyo Agoonta iska leh, meeshaas oo ah Dhismaha Burco Mall.”

Wax-garadka iyo Odayaasha Qoyskaa Dhulkoodi ka maqan yahay ee Agoonta ah u hadlay, waxaa mid ka mid ahi uu yidhi; “Haddaannu nahay Odayaashii Carruurtan Agoonta ah, waxaannu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka codsanaynaa inuu arrintaa wax ka qabto oo Sharciga iyo Cadaaladda lagu dhaqmo oo Agoontaa xaqooda loo soo celiyo.”

shulka“Waxaannu ognahay in Dhulkayagii oo aannu Mulkiyaddooda iyo Sharciyaddiisa aannu haysanno 1971-kii illaa maanta, markaa in Dhulkayagii Sharci darro lagu qaato, Sharci-darro lagu iibiyo, Sharci-darro lagu dhisto, Annaguna aannu dibedda ka joogno oo Agoontayadi dibedda ka joogto, waxaannu qaadan karno ama aqbali karno maaha, ee waxaan leeyahay waa in la joojiyaa dhismaha halkaa laga wado, Dhulkayagana gacantayada lagu soo celiyo oo Sharciga ay dawladdu u hoggaansanto.” Sidaa ayuu yidhi mid ka mid ah Dadka Shirkaas Jaraa’id ka hadlay ee ka tirsan Xigtada ama Qoyska Agoonta Dhulkooda Xukuumaddu iibisay.

HADDABA HOOS KA DAAWO MUUQAALKA HADALKA ODAYAASHA