Oday-dhaqameedka iyo Bulshada Degmada Taleex oo Geel Sooryo ah ugu Deeqay Ciidanka Qaranka (DAAWO)

TALEEX (SLpost)- Saraakiisha Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan degmada Taleex ee gobolka Sool, ayaa kulamo kala duwan oo ammaanka lagu xoojinayo la qaatay Madax-dhaqameedka iyo Wax-garadka deegaankaas oo soo dhaweeyey joogitaanka Ciidanka.

ciidanTaliyaha Qaybta 31aad ee Ciidanka Qaranka Gaashaanle Dhexe Maxamed Cawaale Doolaal oo ay weheliyaan Saraakiil Ciidanka Qaranka ah, ayaa maanta xubno ka mid ah madax-dhaqameedka degmada Taleex ka guddoomiya laba Neef oo Geel ah oo ay sooryo ahaan ugu talo-galeen ciidamada Qaranka ee ku sugan duleedka magaalada Taleex.

Caaqil Cabdirashiid Cali Shire (Shiine) oo ka mid ah madax-dhaqameedka degmada Taleex, ayaa ka hadlay baahida ay shacab ahaan u qabaan ammaan iyo xasilooni ay helaan, isaga oo taliyahana ku wareejigeyey xoolaha ay sooryo ahaan ugu deeqeen Ciidanka.

 

SOMALILANDPOST.NET