Obama: Tamarta Cagaaran ha la Maal-gashado

US(SLpost)-Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa shaaciyey amarro madaxweyne oo cus-cusub iyo dadaalo kale oo looga gol leeyahay in dadka guryaha leh iyo ganacsatadaba loo fududeeyo inay maalgashi ku sameeyaan tamarta cagaaran, taas oo xiliyadii hore aan sahlaneyn ama dhaqaale ahaan aan la awoodi karin.

1435324518obama

Mr. Obama oo habeenkii Isniintii xalay marti ku ahaa, khudbadna ka jeediyey shir tamarta nadiifta ah lagaga hadlayey oo dhacay magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada ayaa hoosta ka xariiqay in shirkadaha qoda saliidda iyo kuwo kaleba ay dagaal kula jiraan tamarta cusub, taas oo jaban, isla markaana wanaagsan. Isaga oo shirkadahaas la hadlaya ayaa waxa uu yiri “Waan ka xunnahay, horay ayaan u soconaynaa.”

Waxa uu intaas ku daray in ka dib tobaneeyo sano oo la sheegayey in tamarta la cusbooneysiin karo ayna dhaqaalaha u wanaagsaneyn, ayna taasi hadda run ahayn.