Obama Oo Warqadii Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirka Somaliya

Us(SLpost)-Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa maanta munaasabad ka dhacday Aqalka Cad wuxuu warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Axmed Ciise wuxuu baddalay safiirkii hore ee Maraykanka, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo noqday ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya bishii December ee sannadkii hore.

Safiirka cusub ee Soomaaliya Axmed Ciise ayaa VOA u sheegay in Obama ay kawada hadleen arrimaha Soomaaliya, isagoo sheegay inuu si weyn u daneynayo arrimaha Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay in dhawaan albaabada loo furi doono safaaradda cusub ee Soomaaliya ee magaalada Washington.