Obama Oo Soo Dhaweeyay Ruushka Oo Qaybta Ugu Muhiimsan Ciidankiisa Ka Saaraya Suuriya

Madaxweyne Obama ayaa dhigiisa Ruushka Putin kala hadlay qorshahay ay Msocow ciidamadeeda qayb kamid ah uga soo saarayso Suuriya.Aqalka Cad ayaa sheegay in labada hogaamiye ay kawada hadleen tallaabooyinka xiga ee loo bahnyahay in l qaado si loo fuliyo heshiiskii joojinta colaada.

ruush

Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier, ayaa sheegay in tallaabdani ay cadaadiska ku kordhin doonto madaxweyne Asad si uu u aqbalo in lala xaajoodo.

Madaxweynaha Ruushka ayaa amray in qaybta ugu muhiimsan ciidamada Ruushka ay ka soo baxaan Suuriya. Wuxuu sheegay dowladiisa faragalintii ay samaysay inay ku guulaysatay inteedii badnayd.

Kulan uu la yeeshay wasiiradiisa difaaca iyo arrimaha dibadda ayuu Mr Putin sheegay, in ka soo bixida ay bilaabanayso labaatan iyo afar saac gudaheed. Afhayeenka Kremlin ayaa sheegay in madaxweynaha uu telefoon u diray, hogaamiyaha Suuriya Bashar al- Assad si uu ugu sheego go’aanka Ruushka.