Obama Oo Sheegay Inuu Xidhaayo Xabsiga Koontinaama Oo Uu Sheegay Inuu Ka Soo Horjeedo Dhaqanka Maraykanka

Us(SLpost)Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu doonayo inuu xidho xabsiga Guantanamo ee Cuba intuusan xafiiska ka tagin. Isagoo ka hadlaya Telefishinka, ayuu sheegay in xabsiga uu ka soo horjeedo dhaqanka Maraykanka waxna u dhimaysa ammaanka Maraykanka.

gontinaama

Waxaa ku jira sagaashan iyo kow maxaabiis xabsiga. Mr.Obama ayaa sheegay in qorshahiisa ay tahay in qaar kood loo diri doono xabsiyo Maraykanka.

Qorshe hore ee uu ku doonayay inuu ku xidho xabsiga ayaa waxaa hor istaagay Congresska oo uu ku badan yahay xisbiga Republiga.