Obama Oo Safiir Cusub U Magacaabay Somaliya

US(SLpost)-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa Isniintii (1/11/2016) magacaabay safiirka cusub ee Mareykanka ee dalka Soomaaliya.

Bayaan lagu daabacay website-ka Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Stephen Michael Schwartz, uu noqon doono safiirka Mareykanka ee Soomaaliya. Stephen Schwartz, oo in muddo ah kasoo shaqeeyey Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa iminka ah agaasimaha xafiiska waaxda arrimaha dibedda u qaabilsan arrimaha Australia, New Zealand, iyo jasiiradaha Pacific-ga, xilkan oo uu hayey tan iyo bishii August ee 2015.

Waxa uu horey u ahaa agaasimaha xafiiska arrimaha galbeedka Africa, intii u dhaxeysay 2013 illaa 2015, isaga oo xilligaas ka hor, intii u dhaxeysay 2010 illaa 2013 ahaa ku xigeenka madaxa howlgalka safaaradda Mareykanka ee magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

Magacaabidda Stephen Schwartz ayaa astaan u ah dib usoo noolaanshaha xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Soomaaliya, ayada oo dowladda Soomaaliya ay goor horeyba safiir ugu soo dirtay Washington D.C.

Stephen Schwartz ayaa howshiisa billaabi doona marka magacaabistiisa uu ansixiyo senate-ka Mareykanka.