Obama Oo Qaadacay Go’aanka Madaxweyne Donald Trump

(SL.Post) Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa ka baxay aamusnaanta waxaana uu taageeray dadka banaanbaxyada wada kuwaas oo ka soo horjeeda go’aanka Madaxweynaha Maraykanka uu mamnuuc uga dhigey dadka Muslimiinta ah ee u dhashey 7 dal oo ku yaala Bariga Dhexe iyo Afrika in ay imaan karaan Maraykanka muddo 90 maalmood ah.

“Muwaadiniintu waxay muujinayaan awoodda uu dastuurku siinaayo ee ah in ay isu imaan karaan, kulamo qabsan karaan oo is abaabuli karaan si codkooda loo maqlo iyaga oo filan kara qiimaha Ameerika”ayuu yidhi afhayeen u hadley Obama oo lagu magacaabo Kevin Lewis.

Kevin Lewis ayaa sheegay in Obama iska fogeynaayo in dadka la fuquuqo iyada oo la eegayo diintooda, sida ay qortey Politico.

Trump oo waraysi siiyey Telefishanka ka hadla arrimaha Masiixiyiinta Christian Broadcasting Network ayaa sheegay dadka Kirishtaanka ah ee u dhashey dalka Siiriya in iyaga la soo dhaweynaayo taas oo muujineysa in go’aankiisu yahay mid diin gaar ah la fuquuqayo.

Inta badan Madaxweynayaasha xilka ka dega ee Maraykanka ayaan canaabereyn ama ka hadlin shaqooyinka Madaxweynaha xilka kala wareegay, inkasta oo Obama oo horey u sheegay in aanu dhaqankaas ilaalin doonin haddii uu arko wax khaldan uu hadlaayo.

Geesta kale, Donald Trump ayaa shaqada ka eryay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mareykanka , ka dib markii ay su’aal galisay sharcinimada mamnuucitaanka qaxootiga.

War qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa lagu sheegay in Yates “ay khiyaantay” waaxda cadaaladda

Sally Yates, oo madaxweynihii hore si kumeelgaadh ah ugu magacaabay in ay noqoto ku simaha xeer ilaaliyaha guud, ayaa sheegtay in aanay ku qanacsaneyn in amarka Trump ee uu ku mamnuucaya dadka ka yimaada todobo dal oo Muslim ah, uu yahay mid sharciga waafaqsan.

Warqad ay u dirtay qareennada wasaaradda cadaaladda Maraykanka, isla markaana lagu daabacay warbaahinta, ayay ku sheegtay in amarka Trump la horgeeyay maxkamado heerar kala duwan leh.

Madaxweyne Trump ayaa awood u leh xilka qaadista uu ku sameeyay Sally Yates, waxaana uu sugayaa in aqalka Senate uu u ansixiyo Jeff Sessions, oo uu jagadaasi u magacaabay.

 

Somalilandpost.net