Obama oo qaabilay Raysalwasaaraha KMG ee Ukraine

USA(SLPOST)Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa aqalka cad ku qaabilay Raysalwasaaraha kumeel gaarka ah ee xukuumada Ukraine Arseniy Yatsenyuk.

ObamaUkrainRW1

Booqashada Raysalwasaaraha Ukraine ee Washington ayaa ahayd mid dowlada Maraykanka ay ku muujiso taageerada ay u heyso xukuumada Kiev.

“…Waxaanu xaqiijineynaa inaanu taageersanahay dowlada Ukraine, isla markaana beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo Midowga Yurub ay diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan sidii looga jawaabi lahaa falka ay ku kacday dowlada Ruushka oo jabisay sharuucda caalamiga ah….” Ayuu yiri Barack Obama oo saxaafadda la hadlayey xili uu Aqalka cad ku qaabilayey Raysalwasaaraha Ukraine.

Dhinaca kale Raysalwasaaraha Ukraine Arseniy Yatsenyuk ayaa sheegay in ay u baahan yihiin taageerada Caalamka mid dhaqaale iyo waliba taageero buuxda oo siyaasadeed, wuxuuna mar uu ka hadlayey heerka uu marayo xaalada dhaqaale ee dalka Ukraine sheegay in uu isagu xataa ku khasbanaaday inuu iska soo bixiyo Tiketkiisa diyaarada ee uu ku yimid Washington DC.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland