Obama Oo Noqonaya Madaxweynihii Ugu Horeeyay Ee Mareykan Ah Ee Booqda Itoobiya

Washington, (SLpost)- Madaxweyne Barack Obama ayaa noqon doona madaxwaynihii ugu horeeyay ee Maraykan ah oo isaga oo xil haya booqda dalka Itoobiya sida ay sheegeen warar kazoo baxay aqalka cad ee Maraykanka.

Obama waxa uu u safri doonaa magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa dhamaadka bisha lixaad ee sanadkan.

Dalka Itoobiya waxa uu kala hadli doonaa waxyaabo ay ka mid yihiin, dardar galinta koboca dhaqaalaha, xoojinta dimuqraadiyadda, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa ammaanka, sidaasi waxaa sheegay xoghaya saxaafadda ee aqalka cad ee looga arrimiyo Maraykanka.

Socdaalkaas ka hor waxa uu booqan doonaa dalka Kenya safarkaas oo hore loo sii shaaciyay, isla markaana Kenya waa dalkii uu aabihii ka soo jeeday.

Safarkani waxa uu noqon doonaa kii ugu horeeyey ee isaga oo madaxweyne ah uu ku booqdo dalkaasi.

Hogaamiyaha Maraykanku waxa uu Kenya kaga qayb galayaa shir ku saabsan hal abuurka ganacsiga.

Obama waxa uu hore u booqday dalalka Ghana, Masar, Senegal, Tanzania iyo Koonfur Afrika.

Somalilandpost.net