Obama oo la Kulmay Madaxweynaha Argentine

Argentine(SLpost)-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa la kulmay madaxweynaha Argentine Mauricio Macri, kaas oo taageersan suuqyada xorta ah.

Obama, ayaa gaaray magaalada Buenos Aires Arbacadii shalay, iyadoo booqashadiisa ay laba cisho qaadan doonto.

Ammaanka ayaa la adkeeyay caasimadda dalka Argentine, kaddib weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Brussels Talaadadii.

Qaar ka mid ah tareennada mara dhulka hoostiisa ayaa shaqadii laga joojiyay, waxana sidoo kale la xirey waddooyinka qaar ee u dhawaa meelaha uu madaxweyne Obama uu booqanayo.