Obama Oo Ku Kaftamay In Qaar Badan Oo Ka Mid Ah Madaxda Dunidu Aanay Maskax Ahaan Fayoobayn 


Washington (SLpost)- Si is-kallifaad la’aan ah oo aan looga baran, aadna uga fog dunida siyaasadda ee kaftan la’aanta lagu yaqaanno ayaa uu Madaxweynaha Maraykakna Barack Obama dhowaan mar uu la hadlay barnaamijka maadays oo caan ah uga hadlay arrimo badan oo khuseeya nolosha iyo siyaasadda, waxa aanu sheegay in qaar badan oo madaxda dunida ka mid ah aanay maskaxdoodu fayoobayn. “Gebi ahaanba waa ay caqli beeleen”

Barnaamijka Comedians in cars getting coffee” Maajaajileeyayaal gaadhi ku dhex bunaynaya ayaa Obama uu dhinac fadhiyey Majaajilastaha isla markaana saxafiga ah ee Jerry Seinfeld oo ay wada saarnaayeen gaadhiga Jerry uu barnaamijkan u doortay oo ahaa Tagsi shidh keliya ah ahaa nooca loo yaqaanno Corvette Stingray, sancadiisii soo baxday sannadkii 1963 kii kaas oo ay ku soo dhex wareegeen Guriga Cad.

Obama waxa uu sheegay in muddadii Toddobada sano ka badnayd ee uu xilka hayey uu la kulmay madax aan maskax ahaan fayoobayn. Markii majaajilayste Jerry weydiiyey, tiradoodana waxa uu Obama ku jawaabay, “Aad baa ay u badan yihiin” isaga oo intaas ku sii daray, “Mar kasta oo ay sii dheeraato muddada ay xilka haynayaanna waxaa sii kordhaya suurtogalnimada in ay waashaan”

Majaajilaystaha iyo madaxweynaha oo gaadhiga markii ay ku soo wareegeen haddana wada fadhiistay qaybta bunka iyo cuntooyinka ee loogu talogalay shaqaalaha Guriga Cad waxa ay ka sheekaysteen dhibta iyo ceebaha ay leedahay in qofku uu caan noqdo, iyo sida ugu habboon ee qofku uu ula macaamili karo dadka damiinka ah (Ama Doqonnada) iyo weliba daqiiqadihii ugu adkaa ee soo maray sannadahaas uu madaxweynaha ayaa si kaftan ah su’aashaa dambe ee daqiiqadihii ugu adkaa kaga jawaabay, “Waa suurtogal in ay hadda tahay”

Barnaamijkan oo socda 20 daqiiqo oo keliya waxaa uu Jerry hadba ku waraystaa mid uun ka mid ah majaajilaystayaasha caanka ah, labaatanka daqiiqana bun ayaa ay ku wada dhex cabbaan gaadhiga. Barnaamijkan waxaa si gaar ah dadka uga yaabiyey sida iska furan ee uu Obama uga hadlay arrimo badan oo siyaasiyiinta ku adag, waxa uu ka sheekeeyey dabeecaddiisa shakhsiga ah oo ay ka mid tahay in marka uu aad u cadhoodo uu caytamo, in dharkiisa hoose ee uu leeyahay (Garan iyo Nigis) dhammaantood isku wada midab yihiin, in isagu uu gadhkiisa xiirto subax kasta ka hor inta aanu shaqada u soo bixin.

Obama oo ka sheekaynaya habeenkii ugu horreeyey ee uu Guriga Cad u hoyday ayaa sheegay in maalin munaasabado kala duwan (Dhaartii iyo Caleemo-saarkii) iyo hawlo badan daal leh kadib, “ayaa aan qolka soo galay oo inta aan hareeraha idhi, “Waar niyoow hudheelna ma’aha meeshu ee tol’oow xaggeed joogtaa?”

Ugu dambayntii Madaxweyne Obama waxa uu Jerry daawadsiiyey baabuurka madaxweynaha Maraykanka u gaarka ah oo lagu magacaabo The Beast (Bahalka), isaga oo iska dhigaya in uu u faanayana waxa uu ku yidhi, “Batam keliya oo aan taabto ayaa aan kula hadli karaa kooxda saaran Gujiska sida Nukliyeerka ee Maraykanka. Laakiin adigu taas oo kale ma lihid”

 Xigasho Geeska Afrika