Nuxurka Warqad Saleebaan-Gaal dhiggiisa Wakiillada kaga dalbaday Sixitaan Sharci iyo Jawaabta Guddoomiye Cirro ku celiyey

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa shalay qoraal kaga jawaabay warqad Guddoomiyaha Golaha Guurtidu kaga dalbaday wax-ka-beddel iyo sixid lagu sameeyo Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo todobaadkii hore Guurtidu Hakad gelisay meelmarintiisa ka dib markii Golaha Wakiillada oo xeerkan ansixiyey u gudbiyeen Aqalka Odayaasha.

Shir-guddoonka Golaha Guurtida Guurtida Somaliland, ayaa tallaabada ay xeerka ku hakiyeen ku sababeeyey, ka dib markii sida ay sheegeen uu soo baxay kala-duwanaansho u dhexeeya nuqulka xeerka loo gudbiyey Guurti ahaan iyo Nuqulkii ay ansixiyeen Golaha Wakiillada, iyada oo la fasaxay muddo 45 maalmood ah Golaha oo ku gudo-jiray ka-doodista Ajandayaasha Kalfadhigooda.

Cirro iyo Saleebaan-gaalWarqad uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, laguna socodsiiyey shir-guddoonka Wakiillada, Ujeeddadiisu ahayd wax-ka-beddel iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Xeer Lr. 37/2007, waxa uu ku war-geliyey inay inay kala duwan yihiin nuqullada xeerka Guurtida loo gudbiyey iyo kii ay mudaneyaasha Wakiilladu hore u ansixiyeen.

Warqadda Guddoomiye Saleebaan u diray Shir-guddoonka Wakiillada oo nuqul ka mid ah Wargeyska Himilo helay, waxa uu ka codsaday shir-guddoonka Wakiillada inay soo gudbiyaan nuqulka rasmiga ah ee mudaneyaasha wakiilladu ansixiyeen.

Warqadda Guddoomiye Saleebaan u qoray Shir-guddoonka Wakiillada, waxa ay u qornayd sida tan:- “Wax ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta codbixiyeyaasha Xeer Lr. 37/2007 ee aad Golaha u soo gudbiseen, kuna lafaaqan halkani iyo kii aad Golaha ka ansixiseen farqi ayaa u dhexeeya sida ku cad qodobbada 7aad, farqaddiisa 2aad, 25aad iyo 26aad.

Sidaa daraasadeedna, waxa la idinka codsanayaa in aad is-waafajisaan, soo gudbisaan nuqul rasmi ah oo ah kii Golaha ka ansaxay,” sidaas ayuu guddoomiye Saleebaan ku sheegay qoraalkeeda.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa markii ay warqaddaasi gaadhay, waxa uu dhiggiisa golaha Guurtidu u qoray warqad uu kaga jawaabayo dalabka guddoomiye Saleebaan.

In kasta oo aanay noo suurto-galin inaanu helno qoraalka Guddoomiye Cirro ugu jawaabay Saleebaan-gaal, haddana waxa noo suurta-gashay inaanu helno xogta warqaddaasi xambaarsanayd aanu wax ka weydiinnay xildhibaano ka tirsan golaha Wakiillada.

“Warqad buu qoray Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu uu sida Sharciga ah ee Golayaashu isugu gudbiyaan Warqadaha uu ugaga jawaabay qoraalka Shir-guddoonka Guurtida. Waxaanan ogahay inay Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro iyo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan ay is-arkeen oo way isu yimaaddeen qoraalladaas ka dib, si fiicanna isu-afgarteen, laakiin faahfaahin intaa dheer oo aan ka sheegi karaa ma jirto hadda.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland oo Himilo wax ka weydiiyey waxa uu kala socdo Qoraallada ay is-weydaarsadeen shalay Shir-gudoonka Guurtida iyo Wakiilladu.

Xildbibaan kale oo ka tirsan golaha Wakiillada, ayaa nuxurka ay xambaarsanayd jawaabka guddoomiye Cirro siyaabo kala duwan u fasiray. “Qoraalka Ujeeddadiisu waxa weeye ama ay ahayd wax ka beddel, kaabis, oggolaansho iyo diidmaba wuu leeyahay, iyo qodobka 78-aad buu ka hadlayaa ee hab-raaca Golayaasha Xeer-dejinta.” Sidaana waxa yidhi Xildhibaanka oo Himilo wax ka weydiiyey qoraalka Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu isla shalay u qoray Dhiggiisa Guurtida.

@HIMILO