Nuxurka War-murtiyeed Shan qodob ka kooban oo wada-jir u soo saareen Wasiirrada Saddexda wasaaradood oo muhiim ah

Hargeysa (SLpost)- War-muriyeed ay si-wada jir ah u soo saareen Wasiirrada Saddex wasaaradood oo ka tirsan hay’adaha qaabilsan horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Wax-soo-saarka dalka, ayaa lagu go’aamiyey qodobbo xambaarsan qorshe lagu xakamaynayo dhul-daaqsimeedka iyo ku-takril-falka aan sharciga ah ee Dhul-beereedka.

sasWar-murtiyeedka oo ka kooban Shan qodob oo dhammaantood dhiirri-gelinaya xoojinta kala-xadaynta dhul-daaqsiyeedka iyo dhul-beereedka, waxa ku saxeexan isla markaana waxa sida wada-jir ah looga soo saaray kulan ay 28-kii Bishan isugu yimaaddeen Wasiirka Waaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Md Axmed Muumin Seed iyo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Md Xasan Maxamed Cali.

War-murtiyeedka oo nuqul ka mid ah soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:- “Shir ay si wada-jir ah u yeesheen Wasiirrada hoos ku xusan taariikhdu markay ahayd 28 April, 2018, kuna saabsnaa xaaladda kheyraadka dhulka iyo Xoojinta nabad-gelyada Somaliland, waxay isla garteen qodobbada hoos ku xusan:

  1. In la ilaaliyo kheyraadka dhul-daaqsimeedka oo aan la bixin Karin mulkiyad Beereed sharci ah.
  2. In la xoojiyo wax-soo-saarka beeraha iyadoo la tixgelinayo xuduuddii hore ee dhul-beereedka.
  3. In ciddii dhul-daaqsimeed ka sameysata Beer ay tahay sharci-darro, lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
  4. In saddexda Wasaaradood si wada-jir ah uga hawl-galaan dhul-boobka lagu hayo dhul-daaqsimeedka.
  5. In Guddoomiyeyaasha Gobollada, Maayarrada degmooyinka iyo taliye Qaybeedyada Booliska ee gobollada ay gacan buuxda ka siiyaan saddexda wasaaradood sidii ay wax uga qaban-lahaayeen hawl-galladaas.”