Nuxurka war-murtiyeed Heshiishyo Cusub ku jiraan oo ka soo baxay Kulan Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya ku yeesheen Djibouti

B5YNHsKIMAA1b8CDjibouti (SLpost)- Shir maanta magaalada Djibouti ee ku dhex-maray Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan nuxurka waxyaabaha ay labada madaxweyne ka wada-hadleen.

Labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia oo shalay gaadhay magaalada Djibouti, ayaa ilaa xalay kulamo kala duwan kulahaa Hotelka Kambesti, halkaas oo maantana kulankoodii ugu horreeyey ee labada madaxweyne si fool-ka-fool ah ugu yeeshaan laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban Lix qodob oo ay ku saxeexan yihiin labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya.

War-murtiyeedkan oo ay ku jiraan qodobbo aan hore uga mid ahayn heshiishyadii lagu gaadhay shirarkii wada-hadallada ee labada waddan ku dhexmarya dalalka Turkiga, Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta, ayaa lagu go’aamiyey in dawladda Jabuuti laga qayb-geliyo wada-hadallada labada waddan.

HALKAN KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA KA SOO BAXAY KULANKA LABADA MADAXWEYNE

B5YNHsKIMAA1b8C