Nuxurka uu Xambaarsan yahay Bayaan ay ku saxeexan yihiin 160 Culimada Islaamka oo Codsi u diray Boqorka Sucuudiga

Riyaadh (SLpost)- Bayaan ay wada-jir u soo saaray in ka badan 160 Culimada Islaamka Adduunka, ayaa ka hadlay Xaaladda uu ku sugan yahay Madaxweynihii hore ee dalka Masar oo todobaadkan lagu riday Xukun Dil ah, waxaanay kaga codsadeen Boqorka dalka Sucuudiga, Salman Bin Abdulaziz inuu faro-gelin ku sameeyo isla markaana ka badbaadiyo xukunka dilka ah ee lagu riday Madaxweyne Maxamed Mursi oo dowladda ku xukuntay, kaddib markii uu Xabsiga ku jiray muddo ka badan laba sanno.

boqorka sucuudigaMaxamed Mursi oo noqday madaxweynihii u horreeyey ee shacabkiisu doorasho dimuqraaddi ah ku doorteen dalka Masar isla markaana hoggaaminayey Ururka Akhwaanu-Muslimiinta Masar, ayaa Xabsi ku jiray muddo ka badan laba sanno, kaddib markii Milatariga dalkaasi xukunka ka tuureen dowladdiisa, waxaana lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilal iyo xad-gudubyo loo geystay dad shacab ah intii uu socday Kacdoonkii Shacab ee Xukunka lagaga tuuray madaxweynihii ka horeeyey Xusni Mubaarak iyo muddadii uu xukunka hayay.

Culimada ku saxeexnaa Bayaanka loo diray Boqorka Sucuudiga, ayaa Xukunka dilka ah ee lagu riday Maxamed Mursi iyo Taageerayaashiisa ku tilmaamay mid aan caddaalad ku dhisnayn oo Aar-goosi siyaasadeed ka dambeeyo.

“Waxa ka dhaca gudaha Masar maaha wax khuseeya Arrimaha Gudaha dalka Masar oo kaliya, laakiin waa Arrin Saamayn ku yeelanaysa Waddamada Carabta iyo Dunida kale ee Islaamka guud ahaan,” Sidaa waxa lagu sheegay bayaanka ay culimada 160-ka ka badani u direen Boqorka Sucuudiga.

Maxkamad ku taalla waddanka Masar, ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday Xukun Dil ah oo ay ku ridday Madaxweyne Mursi, Xubno ka tirsan Ururka Akhwaanul-Muslimiinta iyo Taageerayaashiisa.

SOMALILANDPOST.NET