Nuxurka Qudbado laga jeediyey shir lagaga hadlayo Qaddiyadda Somaliland oo ku qabsoomay Xarunta Midowaga Yurub

Brussels (SLpost)- Shir Caalamiya oo laga hadlaayo arrimaha Somaliland isla markaana ay khudbado ka jeedinayaan Madax ka socota Somaliland, Saraakiil ka mid ah baarlamaanka Yurub iyo Xubno ka mid ah Jaaliyada Somaliland ee wadamada Yurub ku nool  ayaa ku qabsoomay Caasimada Waddanka Belgium ee Brussels.

Shirkan oo ka furmay xarunta Baarlamaanka  ee wadanka Biljam, waxa ka qayb galay mudanayaan tiro badan oo Baarlamaanka Yurub ah, shirkan waxaa kaloo ka qayb qaadanayay Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Xildhibaan C.qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada, Drs Edna Aadan Ismaaciil iyo  qurbajooga Somaliland ee u dhaq dhaqaaqa aqoonsiga ay Somaliland beesha caalamka ka doonayso.

Xubin ka mid ah siyaasiyiinta reer yurub oo madashii shirka ka hadlay ayaa sheegay in maalinba maalinta ka dambaysa  Somaliland magaceeda iyo wax qabadkeena laga baranayo dunida dacaladeeda, waxaanu xusay in uu dhaqaalaha iyo maalgashigu sii kordhaya Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo tusaale u soo qaatay warshada cusub ee SBI ee Coca-Cola ee uu todobaadkii tagay xadhiga ka jaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo).

Siyaasigani Waxa uu ka hadalay oo kale  fursadaha aqoonsiga ee Somaliland isaga oo sheegay in ay siyaasad ahaan ay Somaliland guulo taariikhi ah gaadhay,waxaanu hoosta ka xariigay , dhibaatooyinka argagixisada iyo budhcad badeeda ee la dariska ah oo u baahan sida uu xusay inay beesha caalamka ka hesho taageero buuxda.

Drs Edna Aadan Ismaaciil oo hadal dheer madashii Shirkaasi ka jeedisay ayaa sheegtay sida ay muhiim u tahay in loo  ixtiraamo xuduudihii Isticmaarku sameeyay, waxaanay tilmaantay in dadka Somaliland ee ay ka soo jeedo qaarkood ay ku nool yihiin xuduuda aynu la wadaagno dalka Itoobiya,iyadoo xustay in Somaliland ay  ixtiraamayso  xuduudka Itoobiya oo la sameeyay sida ay sheegtay 1883 isla markaana ay sidaa ahaan doonto. [Halkan ka Daawo Dr Edna Adan oo ka hadlaysa Qaddiyadda Somaliland]

Drs Edna waxay dib u milicsatay sooyaalkii taariikheed ee jamhuuriyada Somaliland  waxa  ay sheegtay in Somaliland tahay dalkii 3 aad ee 53 dal ee afrika xuriyadiisa qaatay. waxa ay aad ugu dheeraatay taariikhda Somaliland iyadoo intaas raacisay in Somaliand hoy ugu noqotay isla markaana caawisay dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan ee ka yimaada Somaliland.

Marwo Edna waxay ku dooday in dalabka aqoonsi ee Somaliland aanu ahayn mid ay ka dhalanayso cuqdad iyo cadaawad ka dhaxaysa dadka Soomaaliyeed hasa yeeshee waa mid ka turjumaya ayay tidhi xaqa ay umada Somaliland u leedahay aayo ka talintooda .

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil  JIrde oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ayaa sheegay inuu mudo laba iyo toban sano ah ka mid ahaaa golaha wakiilada ee Somaliland kana soo qabtay xillal kala duwan sida gudoomiye ku xigeen isla markaasina uu ahaa gudoomiyihii gudigii qoraaalka dastuurta Somaliland ku dhaqanto,waxaanu iftiimin ka siiyay madaxdii kala duwanayd ee shirkaas ka qayb qaadanaysay hanaanka dimuquraadiyadeed ee Somaliland ka hirgalay iyo qaabka loola kala wareego xukunka.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa khudbad dheer oo ka waramaysa sooyaalkii taariikheed ee jamhuuriyada Somaliland halkaasi ka soo jeediyay waxaanu sharaxay in Somaliland iyo Somalia ay kala ahaayeen laba wadan oo isku biiray iyadoo ay Somaliland raadinayso ayuu yidhi Midnimo shan Soomaliyeed oo noqotay riyo aan rumoobin waxaa kale oo gudoomiyuhu tafaasiil ka bixiyay dhibaatadii kala kulantay ummada Somaliland midnimadaas oo aakhirkii keentay in madax banaanid Somaliland 21 sanno ka hor ay dib ula soo noqotay taas oo waafaqsan dhamaanba mabaa’diida aayo ka talinta iyo axdiyada qaramada midoobay.

Mudane C.raxmaan Ciro waxaa kale oo iftiimiyay in golaha uu hogaamiyaa uu yahay kii u horeeyay ee shacbiga Somaliland codkooda ku doorteen oo bedelay golihii lagu soo dhisay shirweynihii 3aad ee beelaha Somaliland, waxaanu is dul taagay sida ay ummada Somaliland uga go’an tahay adkaynta qaranimadooda inta ay doonto ha qaadatee.

Shirkaas waxaa ka hadlay Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub iyo xubno ka socday jaaliyadaha Somaliland.

SLpost News/Desk