Nuxurka Qodobbo Xaasaasi ah oo lagu Faaqiday Kal-fadhiga Golaha Deegaanka Hargeysa oo Maanta Si Rasmi ah u furmay

Hargeysa (SLpost)-Kalfadhigii Saddexaad ee Golaha Deegaanka Hargeysa oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Degaanka Hargeysa ahna Maayarka Caasimadda Hargeysa Md C/Raxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) Sidoo kalena uu goob ka ahaa Xogahayaha Golaha Degaanka Hargeysa ahna Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa Md Mawliid Weris C/Laahi ayaa saaka lagu qabtay hoolka shirarka ee Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Fadhigan oo ay ka soo qayb-galeen siddeed iyo toban ka mid ah Xildhibaannada Golaha Degaanka Hargeysa ayaa si weyn loogu naaqishay xeer-hoosaadka Golaha oo in muddo ah la soo diyaarinayay.

soltelco

Qodobbada ugu muhiimsan ee lafaguray waxa ka mid ahaa samaynta guddiga joogtada ah ee Golaha, xeerka anshax-marinta mudaneyaasha iyo nidaamka loo raacayo, muddada ay qaadan karaan safarrada dibadda iyo baahiyaha caafimaad ee ay dibadda u aadayaan Maayarka iyo maayar ku-xigeenku iyo qodobbo kale oo kaabaya habsami u socodka shaqada ay Golaha Deegaanku u hayaan bulshada Hargeysa.

Waxa sidoo kale xildhibaannada loo qaybiyay xeerar kale oo uu ka mid yahay xeerka tacriifadda iyo kuwo kale oo lagu lafaguri doono fadhiyada soo socda haddii Alle idmo.

Ugu dambayntii xildhibaannada ayaa u codeeyay xeerkan, waxaana go’aankiisa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Degaanka Hargeysa ahna Maayarka Caasimadda Hargeysa Md C/Raxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) waxaana hadalladiisii ka mid ahaa “Waxaynu saaka naashiqnay xeer-hoosaadka Golaha Deegaanka Hargeysa. Fadhiga waxa soo xaadiray 18 mudane. Waxa u codeeyay 17 mudane. Guddoomiyuhuna ma codayn. Sidaas ayuu ku dhaqan-galay.

Somalilandpost.net

Hargaysa