Nuxurka Qodobbo lagu soo gunaanaday Wada-hadalladii Somaliland iyo Somaliya uga Socday Dalka Turkiga

Istanbul (SLpost)- Wada-hadalladii mudada sadexda maalmood ah Somaliland iyo Soomaaliya uga socday magaaladda Istabuul ee dalka Turkiga, ayaa maanta la soo gabo-gabeeyay, waxaanay labada dhinac isku waafaqeen heshiis ka kooban qodobo kala duwan.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay heshiiskan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay heshiis ka soo baxo wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya uga socday Turkiga.

Wasiirku waxa uu sheegay inay Somaliland ku faraxsan tahay in markii u horraysay Soomaaliya qiraal buuxa ka bixisay xasuuqii dawladii kalitaliska ahayd ee Soomaaliya ay u geysatay shacbiga Somaliland.

Wada-hadalkaWasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in qodobada lagu heshiiyay ay ka mid tahay in la sii wado wada hadalada, iyadoo la isku waafaqay in la sameeyo Guddi isku dhaf ah oo ka kooban Somaliland, Soomaaliya iyo Turkiga kuwaasi oo uu carabaabay inay noqon doonto Guddi u xil saarnaata sidii ay wada hadaladu u sii socon lahaayeen.

Wasiir Maxamed Biixi waxa uu intaasi ku daray in lagu heshiiyay in wada hadalada dambe la iskugu soo noqdo 90 maalmood ama saddex bilood ka dib.

Ergada Somaliland oo ka koobnayd 7 Xubnood waxa hoggaaminayay Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo xubno ka ahaa Wasiirrada Madaxtooyadda, shaqada iyo arrimaha bulshada, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiiladda, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee aqalka odayaasha i yo Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha dibada ee aqalka wakiiladda

Ergada Soomaaliya waxa hoggaaminayay Wasiirka Amniga Soomaaliya C/Kariin Xuseen Guulleed, waxa kale oo xubno ka ahaa lix Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi.

SOMALILANDPOST.NET