Nuxurka Qodobbo laga soo saaray Shirkii Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia iyo laba Dhinac oo ka hadlay Aragtidooda

London (SLpost)-Shirkii wada-hadalka Somaliland ee Somalia ee ka socday Chevening House oo ku taala duleedka London, ayaa maanta si rasmi ah loo soo gabo-gabeeyey, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 8 qodob oo labada dhinacba isla af-garteen.

Qodobadda ku jira war-murtiyeedka ka soo baxay natiijada wada-hadalka labada dhinac, wax aka mid ah inay Somaliland iyo Somalia ay iska kaashadaan dhinacyadda Nabad-gelyadda, la dagaalanka Budhcad badeeda, argagixisadda, kalluumaysiga sharci darradda ah iyo in la hagaajiyo isku socodka xuduudaha labada dal ay yeelan doonaan mustaqabalka. Qodobadda kale ee baaqa shirkan laga soo saaray ka mid ahaa in Beesha caalamku ay ka shaqeyso gargaarka Somaliland iyo Somalia

Waxa kale oo warku intaasi ku darayaa in qodobadda Baaqaasi ku jiray la isku waafaqay ay ka mid tahay in labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya ay dhawaan ku kulmaan sadexda dal ee Imaaraadka carabta, Qatar iyo Swizerland midkood, isla markaana ay wada xaajoodka labadda dhinac intooda badan ay sii axadhaan marka ay isku yimaadaan.

Waxa iyana ka mid ahaa in wada hadaladdu ay sii socdaan oo la sameeyo Guddi farsamo. Waxa kale oo lagu heshiiyay in Dawladda Soomaaliya ay ka gudubto marxaladda ku meel-gaadhka ah.

Guddoomiyaha Guddiga Somaliland u metelaya wada-hadallada oo ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan shirkan iyo go’aamaddan ka soo baxay , waxaanu tilmaamay in kulankani uu ahaa mid hordhac ah oo sii socon doona.

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya CabdiSamad Macalin Maxamuud oo weftiga dalkaas hoggaaminyayey, ayaa isna sheegay inay soo dhaweynayaan wada hadaladan oo uu ku sifeeyay kuwo hordhac ah oo la sii ambo-qaadi doono.
Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa isaguna shirkan ku macneeyay mid ku dhammaaday jawi wanaagsan, “Waxaan u arkayay shirkan fursad fiican, waana markii u horeysay ee Somaliland iyo Soomaaliya is horfadhiistaan muddo 21 sanadood ah. Waxa shirka ka soo baxay baaq sideed qodob ka kooban oo aanu dhammaantood ku heshiinay,”ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray “Waxaanu ku faraxsan nahay inaanu anagoo siman oo labada dawladood ah Somaliland iyo Soomaaliya is hor-fadhiisano oo wax is weydiino.”

Ergadda Somaliland waxa hoggaaminayay ergadii shirkan uga qeyb gashay Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaana xubno ka ah Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax,  Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Md. Maxamuud Axmed Garaad iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Dawladda Soomaaliya waxa uga matelayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga Cabdisalam Macalin Maxamed Mohamed, waxaana xunbo ka ah Wasiirka waxbarashadda Axmed Caydiid Ibraahim, Safiirka Somalia u fadhiya Jabuuti Cabdi Xuseen Guul-wade iyo Xuseen Xasan iyo Maxamed Xasan Aadan oo labaduba ah Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka dalkaasi Soomaaliya.

SLpost News/Hargeysa