Nuxurka Kulan magaalada Hargeysa ku Dhexmaray Dawladaha Somaliland iyo Turkiga

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa manta xafiiskiisa magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Qunsulka Guud ee Dawladda Turkigu u fadhiya Somaliland Muzaffer Yuksel.

Kulankan oo noqonaya kii u horreeyey noociisa ee magaalada Hargeysa ku dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Danjiraha gaarka ah ee dawladda Turkiga u qabilsan Somaliland, ayaa lagaga wada-hadlay dar-dargelinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Turkigu ka fuliso Somaliland.

3Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Md Siciid Cali Muuse, waxaanu war-saxaafadeedku u dhignaa sidan: “Maanta oo Axada ahayd Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, Mohamed Biixii Yonis, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Qunsulka Guud ee Turkeyga u fadhiya Somaliland, Muzaffer Yuksel. Booqashada Yuksel ee Wasaarada Arrimha Debedda ayaa la xidhiidhay is-barasho waxaana laga wadahadlay xidhiidhka Turkeyga iyo Somaliland. Arrimaha kale ee laga wadahadlay waxa ka mid ahaa mashaariicda dawlada Turkeygu ka fulinayso jamhuuriyada Somaliland, oo ay cusbitaaladu ka mid yihiin iyo mashaariic kale. Qunsulka Guud wuxuu halkaas ka sheegay in intii uu joogay Somaliland uu wax badan oo uusan hore u ogayn haatan ogaaday, kuna faraxsan yahay joogitaanka caasimada Somaliland ee Hargeisa.

1Arrin kale oo labada geesood isla soo qaadeen waxay ahayd sidii loo dedejin lahaa xafiiska Xoghaynta ee Somaliland ee dalka Turkeyga xafiiskaas oo qaabilsan wadahadalada ka dhexeeya Somaliland iyo Somalia.

Munaasabada waxa joogay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Debeda, Mowleed Mohamed Ibrahim iyo Safiirka Somaliland u magcawday dalka Turkeyga, Ali Ahmed Osman, oo la filaayo in uu dhowaan ka hawl galo dalka Turkeyga.”

SOMALILANDPOST.NET