Nuxurka Kulamo Wasiirka Duulista Hawada Somaliland la qaatay Wasiirka Dalxiiska Itoobiya iyo Shirkadaha Diyaaradaha Ethiopian Airlines

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa magaalada Addis Ababa oo uu socdaal shaqo ku joogo kulamo kula yeeshay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Itoobiya Amin Cabdiqaadir iyo masuuliyiinta shirkadda diyaaraha ee Ethiopian Airlines.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xidhiidhka dadweynaha iyo saxaafadda ee Wasaaradda Duuliska Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, waxa Wasiir Maxamuud Xaashi kala hadlay wasiirka Itoobiya muhiimada uu leeyahay dalxiiska Somaliland iyo kaalinta uga bannaan Itoobiya.

Ethio_Som (3)War-saxaafadeedka lagu faahfaahiyey nuxurka wada-hadallada wasiirrada iyo masuuliyiinta shirkadda diyaaraha, waxa uu u qornaa sidan; “Wasiirka Duulista oo ka wakiil ah xukuumadda Somaliland ayaa Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Itoobiya Amin Cabdiqaadir u bandhigay sida Somaliland ay ugu habboon tahay dalxiiska, isla markaana ay xeebaheedu u yihiin kuwo nabad ah, jawi wanaagsan oo nadiif ah.

Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu Wasiirka Dalxiiska Ibtoobiya Mr. Amin Abdikadir ku dhiirigalinayey inay labada dawladood bilaabaan dariiq dalxiis oo dadka Itoobiyaanka ahna loo fududeeyo inay yimaaddaan xeebaha Somaliland, Kalluunka Somaliland loo iiib geeyo Itoobiya, taas oo geesta kalena Somaliland u soo hoyn doonta faa’iido dhaqaale.

Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska dawladda Fadaraalka Itoobiya Amin Abdiqaadir oo kulankaasi ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyey qorshaha Somaliland ee ku aaddan dalxiiska xeebta Berbera, isagoo sheegay inay jid dalxiis oo labada dal ay yeesheen sare u qaadayso is dhexgalka labada bulsho, xoojinaysa xidhiidhka soo jireenka ah ee Somaliland iyo Itoobiya.

Ethio_Som (2)Dhinaca kalena, Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska dawladda Fadaraalka Itoobiya Amin Cabdiqadir waxa uu isla xalay ku martiqaaday Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi shir weyn oo caalamiya oo lagaga hadlayey Dalxiiska iyo Dhaqanka Itoobiya.

Shirkaasi waxa goob-joog ka ahaa Wasiiru-dawlaha Dhaqanka iyo Dalxiiska dawladda Itoobiya Tadase Heile, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ambassador Dina Mufti iyo Maareeyaha Hay’adda Dalxiiska Itoobiya Solomon Tadase.

Geesta kale, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa kulan la yeeshay Maareeyaha guud ee shirkadda Ethiopian Airlines Mr. Tewolde Gebremariam iyo madaxa waaxda ganacsiga Abuser Awel, iyagoo ka wadahadlay sidii ay shirkaddaasi u ballaadhin lahayd duulimaadyada ay ku timaado Somaliland.

Ethio_Som (1)Wasiirka iyo madaxda Ethiopian Airlines waxay ku heshiiyeen in dhawaan la bilaabo duulimaadyo ay shirkaddu ku tagayso madaarka magaalada xeebta ah ee Berbera iyo in la kordhiyo tirada duulimaadyada ay ku timaaddo madaarka Cigaal ee Caasimada Somaliland.

Madaxda sare ee shirkadda Ethiopian Airlines ayaa u ballanqaaday Wasiirka Duulista Somaliland inay shaqaalaha Wasaaradda siin doonaan tababar lagu kobcinayo aqoontooda.

Waxa kale oo Wasiirka iyo madaxda sare ee Ethiopian Airlines ku heshiiyey in dhawaan magaalada Addis Ababa lagu qabto carwo ballaadhan oo lagu soo bandhigi doono dalxiiska xeebta Berbera iyo Kalluunka badaha Somaliland, iyadoo arrintaasi ka wadashaqayn doonaa dhammaan hay’adaha ay khusayso ee dhinacdada Somaliland iyo Itoobiya.

Dhinaca dawladda Somaliland Wasiirka Duulista iyo Hawada, Maxamuud Xaashi Cabdi waxa kulamadaasi ku wehelinayey ku-simaha safiirka Somaliland ee Itoobiya Ambassador Ayaanle Salaad,” sidas ayaa lagu soo ururiyey war-saxaafadeedkaasi.

SOMALILANDPOST.NET