Nuxurka Khudbad Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyey Dugsiga Tabobarka Ciidamada ee DARAR-WEYNE oo maanta Xadhigga ka jaray [DHEGAYSO]

IMG_0251Darar-weyne (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta furay Kulliyadda tababarka ciidamadda qalabka sida ee dalka oo laga furay dugsigii hore ee Milatariga ee Magaaladda Darar-weyne oo 30 Km Woqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa.

Kulliyadda ciidamadda qalabka sida ee dugsiga Darar-weyne laga furay ayaa laga hirgeliyay dhismeyaal kala duwan oo loogu tallo galay saraakiisha ciidammadda ee lagu tababari doono, iyadoo maantaba ay galeen dufcadii u horreysay ee saraakiisha ciidammadda kala duwan ee dalka.

Xafladii loo sameeyay furitaanka Kulliyadda ciidammadda waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirro, Taliyeyaasha ciidammadda dalka noocyadooda kala duwan, Xildhibaano iyo masuul tiro badan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in furitaanka akaadamigani uu qeyb ka yahay qorshaha xukuumadda ee lagu tayaynayo ciidammadda.

HALKAN KA DHEGAYSO

Z0000013

IMG_0230IMG_0206 IMG_0053 IMG_0210 IMG_0033 IMG_0114

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net