Nuxurka Khudbad Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyadu ka jeediyey Madal uu Madaxweyne Biixi kaga marag-kacay Wax-qabadkooda

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu yahay madaxweynihii u horeeyey ee dalka ka hirgeliyey Nidaamka Qandaraasyada dowliga ah ee muwaadiniinta dalku si siman ugu tartamaan.

Guddoomiye Nuux Maxamed Xuseen oo khudbad ka jeediyey munaasibad madaxweyne Biixi xadhigga kaga jaray dhisme cusub oo loo hirgeliyey Guddiga Qandaraasyada Qaranka, waxa uu Md Muuse Biixi ku ammaanay kor u qaadista tayada shaqo ee Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo uu ku tilmaamay mid ka tarjumaysa Siyaasaddiisa hoggaamineed.

“Mudane Madaxweyne waxaanu saaka kugu soo dhawaynaynaa daartan quruxda badan, haddaanu nahay guddiga Qandaraasyada Qaranka, waxaanu kaaga mahad-celinaynaa talada, tusaalaha iyo tusmada aad hadh iyo habeenba nala garab-taagan tahay si aanu u gudanno waajibaadka culus ee Qaranku naga sugayo. Mudane, madaxweyne waxaanu kaaga mahad-celinaynaa Daartan oo aanu qabyo kagala wareegnay guddigii naga horeysay oo aad noo dhammeystirtay,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Mudane madaxweyne waxa sharaf iyo taariikh kuu ah inaad dalka ka hirgelisay taariikhda markii u horeysay nidaamka Qandaraasyada ee daaha-furan, taasina waa mid aad taariikhda ku geli doonto.”

Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadalka Guddoomiyuhu ka jeediyey xafladda oo dhammeystiran

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey Munaasibadda, waxa uu ammaanay Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo uu wax-qabadkooda majeertay, waxaanu ku bogaadiyey inay halkaa ka sii wadaan hawsha Qaran ee ay hayaan.

“Waxaan u mahad-naqayaa qoladiina boodhka cusub ee labada sanno ee dhadhaw shaqaynayey. Hora magac wanaagsan baad leedihiin, dadka shacabka iyo umadduba ammaan ayay idiin haysaa, in kastoon idhaahdo waa hawshii loo diray, haddana aad baad u nasiib badan tihiin, idinkuna waa dedaasheen, Illaahayna wuu idinka aqbalay mar haddii umaddiinu idinka raalli tahay, anna waan idiin mahad-naqayaa mar haddii hawshii qaranka ee laydiin dhiibay aad si fiican u gudateen,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo hadalkan ka jeediyey Xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka.

Somalilandpost.net