Nuxurka Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyey Fadhi Wada-jir ah oo Goleyaasha Baarlamaanku maanta yeesheen (COD + SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Khudbad-sannadeedkiisii Dastuuriga ah (2014) oo uu maanta ka hor-jeediyey fadhi wada-jir ah oo ay labada Gole Baarlamaan ee Guurtida Wakiilladu yeesheen, waxa uu si adag ugu duray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku tilmaamay inuu yahay Siyaasadda socod-barad ah, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay xidhiidh waraaqo ay is-wedaarsadeen ah oo Xasan Sheekh sheegtay dhexmaray labadooda.

1 (12)Madaxweyne Siilaanyo waxa uu khudbaddiisa oo dheerayd ku soo qaatay waxyaabaha u qabsoomay Xukuumaddiisa, horumarka ay ka samaysay nabadgelyada, dhinacyada adeegyada bulshada ee Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Dhaqaalaha, Siyaasadda arrimaha dibedda, arrimaha gudaha, ganacsiga, kordhinta dhaqaalaha dalka, kordhinta Mushahaarooyinka, heshiisyada dhex-maray Soomaaliya iyo Somaliland, heshiisyada Shidaalka, xidhiidhka caalamiga ah iyo qorshayaasha Xukuumadda.

DHEGAYSO KHUDBADDA MADAXWEYNAHA