Nuxurka Jawaabo Nicholas Kay ka Bixiyey Su’aallo Laga waydiiyey Somaliland

 

 

Hargaysa(SLpost)-Danjiraha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr Nicholas Kay, ayaa sheegay in qaramada midoobay xidhiidh wanaagsan la leedahay Somaliland, wuxuuna ka jawaabay su’aalo la waydiiyay.

 

Mr Nicholas Kay oo wariye ka tirsan telefishanka Universal waraysi la yeeshay ayuu Somaliland laba su’aalood ka waydiiyay waxayna ku saabsanaayeen mawqifka qaramada midoobay ee gobolada Sool iyo Sanaag iyo sidoo kale xidhiidhka Somaliland iyo qaramada midoobay.

Su’aalaha Wariyuhu waydiiyay Mr Nicholas Kay:

Dhawaan waxaad sheegtay in maamul goboleedka kaliya ee dhiman in la dhiso uu yahay in maamul loo sameeyo gobolada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, markaa ka waran gobolada Sool iyo Sanaag?

 

Mr Kay wuxuu ku jawaabay “Haa, waa run inaan idhi maamul goboleedka kaliya ee dhiman in la dhiso waa maamul ay yeelan doonaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe. Dhinaca gobolada Sool iyo Sanaag, sidaad adiguba ogtahay waa arrin u baahan in xal loo helo. Waxaad ogtahay in dadka ku nool gobolada Sool iyo Sanaag ay ku kala qaybsan yihiin xagga fikirka siyaasadda. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin inay ka tirsan yihiin Somaliland, dadka qaar ayaa aaminsan inay ka tirsan yihiin Puntland, halka dadka qaarna aaminsan yihiin inay ka madax bannaan yihiin Somaliland iyo Puntland oo la yidhaahdo Khaatumo State.

Markaa anagoo qaramada midoobay ah waxaanu ku dhiiri galinaynaa Somaliland, Puntland iyo Khaatumo inay hal siyaasadeed u helaan wax walba oo lagu kala fikir duwan yahay oo aanay marnaba noqon mid lagu xalliyo awood ama dagaal,” ayuu yidhi Mr Kay.

 

Mar hore oo aan waraysi kula yeeshay waxaad ii sheegtay in xilli aad diyaarad saarnayd Somaliland warqad kuu soo direen oo ay ku yidhaahdeen dib ha noogu soo noqon. Intii ka dib dhawr jeer baad dib u noqotaye maxaa arrrintaas iska bedelay?

 

Nicholas Kay wuxuu ku jawaabay “ Haa, way jirtay arrintaasi,intii kadib dhawr jeer baa Somaliland I casuumeen, waxaana xusid mudan inaanu mar walba xidhiidh wanaagsan la leenahay Hargeysa, haddii aanu qaramada midoobay nahay, sidaasi darteed masuuliyiinta Somaliland waxay garteen inay muhiim tahay in xidhiidhkaasi sii adkaado oo aanu ka wada shaqayno arrimo badan.”

.