Nuxurka Heshiis Sagaal Qodob Ka Kooban oo lagu Xaliyey Khilaaf ka dhex-aloosnaa Garabyada Ururka SOLJA

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka cusub ee ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA iyo dhinacii hore uga biyo diiday shirkii ka dhacay Huteelka Ambassador ee lagu doortay hoggaanka cusub ayaa maanta heshiis buuxa ka gaadhay is-maandhaafkii u dhexeeyay.

Heshiiskan oo ka kooban dhowr qodob isla-markaana lagu shaacin doono Xafladda xil-wareejinta oo dhacaysa maalinta berri ah, ayaa dhinacii hore u diidanaa doorashada hoggaanka cusub waxay ku caddeeyeen inay aqoonsan yihiin hoggaanka cusub ee ururka SOLJA.

SOLJA_VHeshiiska dhinacyada SOLJA kala saxeexdeen ayaa waxa uu u dhignaa sidan :-

“Hoggaanka Ururka SOLJA iyo Dhinicii Ka Maqnaa Shirkii Ururka SOLJA waxay isla qaateen Qodobbada Heshiiskani oo lagu soo afjaray khilaafkii ka jiray guud ahaan ururka SOLJA ka dhashay.

  1. In Garabkii shirka Ambassador ka dhacay aan ka soo qayb galin ay qabaleen Hoggaankii lagu soo doortay shirkaasi, si loo ilaaliyo midnimadii iyo wada-jirkii ururka SOLJA.
  2. In Wixii Tababaro, Waxbarasho iyo Furadaha soo baxa loo sinaado.

3.In Hoggaanka cusub ee ururka SOLJA hirgaliyo, dhamaystiro xaruntii ay bilaabeen hoggaankii hore, iyadoo loogu magac darayo Marxuum Maxamedrashiid Muxumed Faarax.,

4.In Hoggaanka Cusub bilaabo dib u heshiisiin buuxda oo la iska saamaxo wax wal oo hore u dhacay, nooc kasta oo uu ahaa.

5.In hoggaanka ururka SOLJA si siman u ilaaliyo, Suxufiyiinta, Warbaahinta Dawliga ah iyo kuwa Madaxbanaan, si waafaqsan Dastuurka Ururka SOLJA iyo Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Lr.27/2004.

6.In Garabka aan shirka ka qayb galin la siiyo Agaasimaha Guud ee Ururka SOLJA, iyadoo la waafajinaya inuu buuxiyo shuruudaha shaqadiisa looga baahan yahay.

7.In Xaflada Xil-wareejinta laga shaaciyo qodobbada heshiiskan.

8.Heshiiskani waxa uu burayaa marka labada dhinac mid ka mid ahi ka baxo qodobbada heshiiska.

9.Heshiiskani waxa uu dhaqan galayaa marka labada dhinac ay wada jir u saxeexaan.

Haddii aanu nahay labada dhinac ee ku midaysan ilaalinta iyo jiritaanka ururka Suxufiyiinta Somaliland, waxaanu si mug leh u waafaqsanahay qodobbada heshiiska isku soo dhaweynaya wadajirka guud ee SOLJA

Dhinaca koowaad:

1: Maxamed Cabdi Guuleed (Curad),

Gudoomiye Xigeenkii hore Ururka SOLJA

Dhinaca Labaad:

1: Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto),

Gudoomiyaha Ururka SOLJA

Markhaatiyaal:

1: Farxaan Cali Axmed

Gudoomiyaha Horn Cable TV

2: Maxamed Cabdi Ilig

Agaasimaha Guud ee Horn Cable TV