Nuxurka Farriin uu Guddoomiyaha UCID u diray Madaxweyne Siilaanyo iyo natiijada Kulan dhexmaray Danjire Nicholas Kay

faysalowHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa shaaca ka qaaday Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya ee Nicholas Kay oo maalin ka hor ay kulan la yeesheen inuu ku shaqaynayo Siyaasad ku salaysan himilada iyo Fikirka Madaxweynihii Soomaaliya Afgembiga ku qabsaday ee Maxamed Siyaad Barre oo Shirkii Garoowe laba dib loogu soo nooleeyey, isla markaana ay Danjire Kay u sheegeen UCID ahaan inaanay Somaliland iyo Soomaalida kale ee aan Daaroodka ahayni aqbali doonin hirgelinta Siyaasaddaas oo uu xaq-darro, caddaalad-darro iyo Dhul-boob ku tilmaamay.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaa ku sheegey Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta dhexe ee Xisbiga UCID ku leeyahay magaalada Hargeysa, kaasoo uu kaga war-bixiyey waxyaabaha ay kala hadleen Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaalida Nicholas Kay oo Isniintii toddobaadkan booqasho ku yimi Somaliland, isla markaana kulammo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha, Wasiirrada Xukuumadda qaarkood, Shir-guddoonnada Golayaasha Baarlamaanka, Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda iyo Masuuliyiinta Golayaasha Qaranka kaga jira Beelaha Harti.

HALKAN KA DAAWO

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland