Nuxurka Codsi iyo taageero Ururka dhalinyarada ee SONYO u gudbiyeen madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamd Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan qasriga Madaxtooyada kula yeesha Dallada kulmisa dhalinyarada Somaliland ee loo soo gaabiyo magacooda SONYO.

Kulankan ayaa ahaa mid ay Dalladu madaxweynuhu ula timi inuu wax kala qabto laba qodob kuwaasi oo kala ahaa:

1. Taageerada dhismaha dhulka Sonyo ay ka dhisanayso xarunta Daraasaadka dhalinyarada iyo xafiiska Sonyo

2. taageerada halganka dhalinyaradu ku rabaan inay ka qayb-galaan doorashooyinka dawlada Hoose iyada wax ka bedel lagu samaynayo xeerka doorashooyinka Dawlada Xeer Lambar 20.Hadaba nuxurka codsiga ay dallada Sonyo Madaxweynaha u gudbisay ayaa waxa ay ku yidhaahdeen sidatan: –

“Mudane madaxweyne ugu hroayn waxay guud ahaan xubnaha Dallada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ku soo dirayaan salaan kal iyo laab ah, iyaga oo kuugu ducaynaya inuu Ilaahay kugu garab-galo xilka qaran ee aad hayso, kuuna dhabeeyo ahdaaftaada siyaasadeed ee aad qarankan dhidibada ugu adkaynayso islamarkaana aad ku horseedayso horumarka dhaqan-dhaqaale oo balaadhan.

Mudane Madaxweyne, kulankan aad maanta nagu qaabishay xafiiskaaga anagoo kaaga mahadcelinayna waxaanu si xushmad qadarin iyo sharafba leh kaaga codsanaynaa laba qodob oo aanu isleenahay waxay laf dhabar u yihiin horukaca dhallinyarada iyo hirgelinta qorsheyaasha dhaw iyo fog ee lagu taabo-gelinayo himilada da’yarta Somaliland.

1- taageerada dhismaha dhulka SONYO ay ka dhisayso xarunta daraasaadka dhalinyaraa iyo xafiisyada  dallada SONYO, Mudane Madaxweyne waaanu codsan lahayn in 40% aad naga taageerto kharashka ku baxaya dhismaha dhulkaas ay xukuumadu na siisay.

2- Taageerada halganka dhalinyaraddu ku rabaan inay ka qayb-galaan doorashooyinka dawladaha Hoose iyadoo wax ka bedel lagu samaynayo xeerka doorashooyinka dawladaha Hoose Xeer Lam 20. Mudane Madaxweyne sidii ku cadayd qorshahaagii iyo barnaamijkaagii doorashada, dhalinyaradu waxay u taagan yihiin ka qayb-galka tallada iyo hoggaaminta qarankooda. sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay in la dhimo ama la yareeyo da’da lagaga qayb-galayo Goleyaasha dawladaha hoose.”

Ugu dambayntii, Madaxweynaha waxay ku ammaaneen inuu fuliyay wax badan balanqaadyadii uu dhalinyarada u qaaday, xukunka dalkana ka qayb-geliyay oo ay iminka jagooyin badan ka hayaan.

Madaxweynuhu wuxuu u sheegay in gacanta lagu hayo xeerkaas, xeer number 20 hay’adaha sharci dejinta la horgayn doono.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay dedaalka looga baahan yahay inay iyagu hirgeliyaan dhismahaasi, xukuumaduna diyaar u tahay inay ka kabto wixii ka qabyooba.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net