Nuxurka Bayaan ay Alshabaab Soo Saartay

 

Muqdisho(Slpost) – Bayaan ku qornaa Luqadaha Carabiga iyo Ingiriisida oo kasoo baxay waaxda Warfaafinta ee Xarakada Alshabaab oo cinwaan looga dhigay ” U gar gaara halkii loo dheelmiyay Nabigiina” ayaa waxaa markii ugu horreysay lagaga hadlay howl-gallada xoog-ku-galka ah ee Yuhuuddu mudooyinkii lasoo dhaafay ku galayeen Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

 

“Waxaan la wada soconay xoog ku galladii ugu dambeeyay ee ay Yuhuudu ku galayeen Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, caalamkoo dhanna wuxuu wada arkayay sida kabahooda Nijaasta ah ay ugu wasakheeyeen barxadihiisa daahirka ah, iyo sidii ay u dileen, u garaaceen, una ihaaneysteen Ehelkeenna Muwaxidiinta ah ee ku nool goobtaas barakeysan, taas oo qeyb ka ah sil-siladaha soo noq noqday ee dembiyada ka dhanka ah Muslimiinta” ayaa lagu yidhi Bayaanka Al-shabaab.

 

Alshabaab waxay ugu baaqday dhammaan dadka Muslimiinta ah in qof kasta waxa uu awoodo uu ugu gar gaaro walaalihiisa Muslimiinta ah ee ku nool dhulka Filastiin : ” Qaddiyadda Masidka Al-Aqsa iyo dhulka Muslimiinta ee la gumeysto ee Beytul Maqdis waa Qaddiyad ay wada leeyihiin Umadda islaamka ah iyo guud ahaan Muslimiinta, ma aha Qaddiyad Wadaniyadeed ama mid Qowmiyadeed; sidaas darteed waxaa waajib ku ah Muslimiinta guud ahaan inay u gar gaaraan oo ay ku taageeraan walaalahooda ku sugan dhulkaas barakeysan wax kasta oo suuragal ah”. Ayaa lagu sheegay bayaanka.

 

Al-shabaab ayaa ku boorrisay Falastiiniyiinta beegsashada yuhuuda “waxaan ugu baaqaynaa Muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan Ehelkeenna Beytul Maqdis inay meel walba ku beegsadaan Masaalixda Yuhuudda iyo danahooda, ayna adeegsadaan Waddo kasta oo suurtagal ah, kuna daysadaan walaalahooda haleeyada ah ee kaligii-duulayaasha ah, kuwaas oo banaanka soo dhigay wax tarka howl-galladaasi, iyo sida ay u naafeeyeen danaha Amni iyo midka dhaqaale ee Cadowga, u deg dega Janno ballaceedu uu la egyahay Samaawaatka iyo dhulka, halku dhiggiinuna ha noqdo : فقاتل في سبيل الله لاتكلف إلانفسك, waxaadna ogaataan in Yuhuudi kasta oo maanta dhulka dushiisa ku nool inuu bannaan yahay dhiiggiisa iyo Maalkiisa, bad baadana kuma helayo illaa Iimaan ama Ammaan mooyee, wuxuuna yahay hadaf Sharci ah, ha noqdo mid hub qaada ama mid aan qaadin, Muslim walba oo Yuhuudda kula dagaallama nooc walboo ka mid ah dagaalka, Aaladduu doono ha adeegsadee waa Mujaahid, haddii la dilana waa Shahiid Bi’idnillaah”.

 

Bayaanka oo la hadlaya Shacabka Muslimka ah ee reer Filastiin wuxuu intaas kusii daray : ” waxaad ogaataan inaysan jirin Waddo kale oo aad Yuhuuda kaga bad baadin kartaan halkii loo dheelmiyay Nabigiinna iyo dhulkiina la heysto illaa Jihaad hubeysan iyo Caqiido saxiix ah mooyee, kuna hoos dagaallantaan Raayo nadiif ka ah Shirki iyo Ilxaad”.

 

Ugu dambeyntii Xarakada Al-Shabaab waxay hamblayo u dirtay geesiyaashii maalmihii lasoo dhaafay howl-galllada kaligii-duulnimada ah ku qaadayay Askarta Yuhuudda iyo Muwaadiniintooda, waxayna sheegtay in geesiyaashaas ay muujiyeen wacdaraha ugu wanaagsan ee loogu nusreynayo Diinta Islaamka iyo Muqadasaatkeeda barakeysan.