Nuxurka ay xambaarsan yihiin Wareegtooyin is-huwan oo uu soo saaray Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegtooyin uu maanta soo saaray, waxa uu ku shaaciyey dhaqan-galka Afar Xeer oo kala ah Xeerarka Kufsiga/Xad-gudubyada Jinsiga, Maarayenta Deegaanka, Shirkadaha Somaliland iyo Waxbarashada Qaranka.

Sidoo kale, wareegto kale oo madaxweynuhu soo saaray, waxa uu ku shaaciyey Isku-beddel iyo Dib-u-qaabayn lagu samaynayo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha oo madaxweynuhu si toos ah u hoos keenay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland.

muuse biixi khudbad abu dhabi (47)Wareegtada Madaxweynuhu ku shaaciyey dhaqanka Afarta Xeer, ayaa u qornayd Sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-191/082018, ku dhaqan-geliyey afar Xeer.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

  1. Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.
  2. Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018.
  3. Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.
  4. Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

 

Markaan Arkay:                   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay:                   Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/804/2018, summaddiisuna tahay Ref: GW/9/26/166/2018, kuna taariikhaysan 05/08/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerarka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018;

Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018;

Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018; iyo

Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018;

 

Markaan Arkay:                   Qodobada 75aad iyo 76aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Waxaan soo-saaray;

 

  1. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.
  2. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018.
  3. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.
  4. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

 

Sidoo kale, wareegtada madaxweynuhu Dib-u-habaynta ku sameeyey Ciidanka Illaalada Cashuuraha ayaa u dhigneyd sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-184/082018, uu dib-u-habayn ku sameeyey Ciidanka Ilaalada Cashuuraha ee loo yaqaan (Turbataariyada)

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

Dib-u-habaynta Ciidanka Ilaalada Cashuuraha (Turbataariyada)

 

Markaan Arkay:                Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:                Ahmiyadda Ciidanka Ilaalada Cashuuruhu u Leeyihiin Kobcinta Dhaqaalaha iyo Dar-dar-galinta Dakhli Uruurinta Dalka;

Markaan Xaqiiqsaday: Muhiimadda Dib-u-habaynta Ciidanka Ilaalada Cashuuruhu u leeyihiin Qaranka;

Markaan Helay:          Talo-soo-jeedinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ee ay khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

  • In laga bilaabo taariikhda maanta dib u habayn lagu sameeyo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha (Turbataariyada), kuwaas oo noqon doona qayb ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana hoos tagi doona Taliska Guud ee Ciidanka Booliska.

 

  • In Taliyaha Ciidanka Boolisku isku-beddel ku sameeyo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha lixdii biloodba hal mar, isla markaana la siiyo tababar ku saabsan nidaamka ilaalinta cashuuraha, tacriifadaha badeecadaha, wada-shaqaynta maamulka goobta cashuur-qabashada iyo asluubta la-dhaqanka cashuur bixiyaha.

 

  • In Ciidanka Ilaalada Cashuuraha laga dhigo kuwo leh ugu yaraan aqoon dugsi sare iyo ammaano dhab ah, laguna soo xulo karti iyo hufnaan.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland