Nuxurka Ay War-murtiyeed Soo Wada Saareen Wasiirada Ganacsiga Iyo Ganacsatada Dalka

(SL.Post) Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga  JSL ,Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed  ayaa shir balaadhan layeeshay Ganacstada Dhexe ee dalka.

Wasiirka waxa  shirka kula wehelinayay Masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga  iyo Maalgashiga.

Shirkan  oo ay u jeedadiisu  ahayd sidii ay isula qaadan lahaayeen  hirgalinta Go’aankii Madaxwaynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo  uu ku dar dargalinayay  kor u qaadida  Shilling ka Somaliland ee soo baxday 24 /1/2017.

Intii lagu guda jiray Shirka oo socday sadex saacadood , waxa  uu Wasiirku kala hadlay muhiimmada ay leedahay  qiima u yeellidda  Shilling ka Somaliland.

Wasiirka Ayaa ugu horeyntii kala  hadlay ganacsatada  qodobadii uu soo saaray Madaxwaynaha JSL, isaga oo  u iftiimiyay in isbadal wanagsan laga gaadhay dhinaca sarrifka lacagaha illaa maalintii ay soo baxday Go’aanka Madaxwaynaha JSL.

Waxa uu sheegay Wasiirku inay tahay lagama maarmaan  xoojinta shilling keenna , dalkastana lacagtiisu qayb ay katahay  horumarka uu gaadho.

Waxa sidoo kale  Wasiirku uu daaha kaqaaday inuu diray Koox katirsan  Wasaaradda oo gaadhaya tiro ahaan 20 qof  oo  shaqadoodu tahay inay kashaqeeyaan  lasocoshada iyo warbixin  soo ururinta ku saabsan maciisashadda , si  loola socdo markasta  xaaladda sicirka  maciishadda dalka , sidoo kalena  waxa uu wasiirku sheegay inuu  qoray Qoraal lagu dar dargalinayo  fulinta go’aankii uu Soosaaray Madaxwaynuhu, isaga oo gaadhsiiyay qoraalkan  Ganacsatada dhexe ee dalka (Jumlad layasha).

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL  Dr.Cumar Shucayb Maxmed  waxa uu tilmaamay inay tahay  muhiim  inay iskaashadaan Dawladda iyo Ganacsatada , isaga oo ganacsatada ugu baaqay inay u naxariistaan dadka  masaakiinta ee noloshodu ku xidhan tahay ee cuntada iyo maciishaddaba ka iibsada.

 

Dhinaca kale Waxa ka hadlay goobta  xubno  kamida Ganacsatadii kasoo qayb gashay shirka , isaga oo uu u hadlay guddoomiyaha Ururka Ganacsatada dhexe  Mr.Kayse Maxamed Ismail.

Dhinaca kale xubnihii ganacsatada ahaa  waxa ay soo dhaweeyeen go’aankii Madaxwaynaha JSL uu  ku  dardar galinayay kor ukaca shilling ka Somaliland, iyaga oo uga mahad celiyay Wasiirka tallaabadan uu qaaday ee uu taladii ka qayb galiyay.

Gudoomiyuhu waxa uu sidoo kale  xaqiijiyay inay aqbaleen go’aankii Madaxwaynaha  ayna diyaar u yihiin inay fuliyaan , wakhtiga dawladdu ay cayintay.

Gaba gabadii labada dhinac waxa ay isku waa faqeen inay soo saaraan War-Murtiyeedkan Hoos ku xusan.Inay aqblaan oo ay fuliyaan Ganacsatadu go’aankii Madaxwaynaha JSL .

Inay Wasaaradda Ganacsiga iyo Ganacsatadu xidhiidh joogta ah yeeshaan  oo  lagaga tashado  xaaladda Ganacsi ee dalka iyo Sicirka Maciishadda. Inay Dawladdu tixgaliso  talooyinka ay soo jeediyaan  Ganacsatadu.

 

Somalilandpost.net