Nurse Mise Naxariis – W/Q: Ceelaabe

Beri dhaweyd wixii ka horeeyey 2000 sida lagu helo kalkaaliso caafimaad Ayaa iska adkeyd.Tiro kooban iyo Dad gaar ah Ayaa ka hawl geli Jiray cusbitaalada iyo Farmasiiyada qaarkood.Inta badan Rag iyo Odayaal calool adeyg ku shaqeyn Jirey ayaa hawlaha adeega Kalkaaliso u fulin Jirey bukaanada kala duwan.Mararka qaar Farmasii ama Dhakhtar aan laheyn Kalkaaliye caafimaad Ayaad u tagi Jirtey.Maanta Halkee ayuu Xaalku Marayaa,Ma Qiyaasi kartaa inta kalkaaliye ama kalkaaliso Caafimaad soo baxday ama ku sugan Goobaha Caafimaadka oo dhan.Isbedelka baaxadan leh ma Dareemi kartaa.Waxa arin lagu Farxo ah in Boqolaal dhalinyaro ah oo iskugu Jira Hablo iyo Inamo Kalkaaliye Caafimaad ah wadanka laga heli karo,Kuwaasi oo wax weyn ka taray gedi socodka arimaha iyo Hawlaha caafimaadka Cusbitaalada iyo Adeega Dhakhtarka intaba.

Maanta dugsiyo badan oo laga barto Tacliinta Caafimaadka gaar ahaan Kalkaalisada Caafimaad Ayaa si weyn uga Furan Hargeisa kuwaasi oo markasta soo saara tiro badan oo Dhalinyartaasi ah.Dugsiyo Gaar ah iyo kuwo lawada Leeyahayba,Qeybo ka mid ah Jaamacadaha dalka iyo Dhakhtarada qaarkoodba waxa ay leeyihiin Qeyb u gaar ah Tababarka iyo Barashada Kalkaalisada caafimaad.Dhalinyarta qaarkood waa kuwo Wadamada qurbaha ku soo diyaariyey oo wadanka dib ugu soo noqday.Maanta haddii 100 ay soo bixi karaan beri ayaa Jirtey 10 qof sida lagu helaa ay adkaan Jirtay.

Shaqo ahmiyad leh,oo la xidhiidha caafimaadkii bulshada iyo badbaadintiii shacabka intaba Ayaa loo arki karaa Kalkaaliso Caafimaad.Waana arinta Keentay in tiro badan Sanad kasta ay ka soo Qalin Jebiyaan.

Hablaha lebiska isku eeg loo xidho,dharka cad inta badan xidhan,Gacmaha plastic cad kula jira,Sanka ku xidhan hawo celiska caafimaad,qoorta ay u sudhan tahay qalabka cabirka iyo dhageysigu, hadalka debacsan,Naxariista badan,aan ka xumaan dhibaatada bukaanka,sariirta sida fiican kuugu goglaya.gabadhaha dharka cad xidhan ama Koodhka cad loo xidhey.hablo dhalinyar ah iyo wiilal firfircoon,maskax ,aqoon,Karti iyo niyad u haya shaqadani ayaa Kalkaaliye Caafimaad kuu noqday.

Dadka cusbitaalada booqda ama ku noqnoqda ayaa garan kara soo dhaweynta ama shaqada ay hablahaasi ku jiraan.Bishii May mar aan Booqday Dhakhtarka Ayaan si Khaldan u Galay dhowr waadh oo kala duwan,Inta aanan u gudbin kii aan u socday.Dhamaan waxa isheydu qabtay Hablo iyo Inamo Bukaanadii wakhtigaasi u shaqeynaayey ama aan ka khashaafeynin oo dhex Jooga.qoloba waadh gooni ah ay qaabilsan tahay.Kalkaaliso waa shaqo dumarka iyo Habluhu ay ku soo baxaan,Waayo raga wey ka naxariis badan Yihiin.Hablo iyo Inamaba waa la isbedelaa,Gelinka hore,Danbe,iyo Habeenkii intaba.Kuwa daalan Habeenkii hadana marka la loo yeedho in qofkii lagu soo kordhay ama la mudaayo ma dhibto.

Qof kastaaba marka xanuunku ku dhaco isaga oo buka dhinacna ka taahaya ayaa loo geeyaa dhakhtarka,Marka uu arko dhakhtarka ama Hablaha Dharka cad xidhan wuu iska aamusaa,Waxaana u soo noqota rajadii ka tagtay.”waxba ma leh ha warwarin waad bugsan doontaa,Waa sahaalo,waxba ma qabtid,Dhiig Ayaa lagaa qaadi doona,Waana lagu mudi naa Todobaad.Dhinac waa farxad,Dhinacna waatan halkan la soo taagan Irbadii.Erayadaasi Ayaa laga Helaa Kalkaalisada Caafimaad”.hormoodka caafimaadka wadanka ayey ku jiraan oo  ay qeyb ka yihiin,waana lagama maarmaan.Dhakhtar aan heysanin Kalkaaliye caafimaadna ma hawlgeli karo.

Nadiifinta nabarada,qofka oo laga qaado hunqaacada/mataga,ama wasakhda Jidhka ka soo baxda intaba,Dad heegan kuugu ah in ay ku badbaadiyaan intii karaankooda ah ayaa Jira.ma naxayaan,Kaama baqayaan,Ma ooyayaan sida adiga oo kale,Waa kuwa Marka Qaliinku socdo Dhakhtarka la shaqeynaaya,Waana kuwa Marka xitaa ay kaa sii baxeyso kula sii tacaalaaya.Waxaaney kugu beerayaan rajo iyo farxad intaba.waa kuwa ka qeyb qaata Suurtagelinta Dhalmada si qof cusubi aduunka ugu soo biiro.inkasta oo ay buuq tahay,Shaqo badani ku socoto,Dhiigag kala duwan la qaaday,Dad kala duwan la duraayo,Dad badani ay sugayaan hadana arimahaasi oo dhan mid kasta sidii loogu talo galay ayey u qabaneysaa.Qof kasta,oday weyn,Ciyaal,Dhalinyar,Dumar,rag qof kasta oo xanuun ku soo dhaco Ayaa u imanaaya oo ku soo maraaya goobaha caafimaadk,Qaraabadii,ehelkii, jaarkii iyo asxaabtii intaba.xidhiidhka iyo naf hurida ay u qabaan bukaanku maaha mid la qiyaasi karo.Hablaha Neerasta ah ama kalkaalisada caafimaad ahi xitaa waxa ay helaan siro iyo hadalo bukaanka cid kale ka soo saari kari weydey.

Wakhti yar ayaa Bukaanku Cusbitaalka ku sugan yahay laakin in badan ayaad xasuusan doontaa Qofkii wanaagsanaa ee kuu gargaaray ama Dawada ku siin Jiray Saddexda wakhti intii aad Dhakhtarka Jiiftay,Haddii aad ka soo baxdo oo ilaahay Caafimaadkaagii ku soo Celiyo si fiican u salaan oo u mahadnaq dhinac kale Kalkaalisada Caafimaad ee kula Joogtay.Wuxuu ii sheegay in uu ka helay Inan Kalkaaliso caafimaad ah oo Dhakhtar ka shaqeyn Jirtay islamarkaasina uu guursaday,Dadka qaar Ayaa calaf uga soo baxaa Gabadha Daaweyneysa.

Ma jiro dad ama wadan bilaa Kalkaaliso caafimaad ahi,Somaliland waxa ay ku Jirtaa Wadamada weli Xaga caafimaadka ku danbeeya inkasta oo isbedel horumar ahi wadanka ka socdo.Dadka dhakhaatiirta ah ama sidoo kale Kalkaalisada caafimaad Ayaana ah kuwo wakhtigan marba marka kadanbeysa ka soo badanaaya kana soo Kordhaaya intii hore.Aduunka maanta 7 Billion Ayaa ku nool,immisa qof ayaa Kalkaaliso caafimaad ah.Ma garan kartid gabadha kalkaalisada ahi marka ay shaqada ka soo baxdo ee ay Dharkeedi caadiga ahaa soo qaadato.Malaa Nurse ama Kalkaaliso waa Naxariis iyo Raaligelin qofka Bukaanka ah ula Diyaar ah badbaadinta Naftiisa.Kalkaaliyaha Somaliland waa Mahadsan Yahay.

Abdifataah Mahamed Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com