“Noqon Mayno Kuwo Mucaawimo Suga, Inagaa Dhexdeena Gacmaha Isku Qabsan-doona Si Aynu Horumar U Gaadhno” Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (SL.Post) Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay inaanay shacbiga Somaliland noqon doonin kuwo suga caawimooyin ay ka helaan gacmo shisheeye, hase-yeeshee, ay noqonayaan kuwo isku tashada oo iyagu waxay qabsan karaan aan cidna ka sugin ee iskood wax u qabsada, si ay horumar muuqda oo dhinacyo kala duwan leh u gaadhaan.

 

 

 

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sidan ku sheegay hadal kooban oo uu ka jeediyey Munaasibad loo sameeyey Furitaanka Jid Laamay ah oo isku xidha magaalooyinka Dila iyo Kalabaydh, jidkaas oo dayac-tir lagu sameeyey la dhammaystiray, isla markaana uu Madaxweynuhu shalayxadhigga ka jaray.

 

 

 

“Waxaynu dhisanaynaa dhulkeena waynu qabyo tiraynaa jidadkeena, waan isku tashanaynaa ciidii inagu gacan siisana waan uga mahadnaqaynaa, gaar ahaan, Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo dawlahada inagu taageeraba”. Hase ahaatee noqon mayno kuwo mucaawimo uun suga, ee inagaa dhexdeena guntanayna oo gacmaha isu-qabsan doona si aynu horumr la taaban karo u gaadhno.”

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa