NOOCYADA JACAYLKA

Jacaylku ma noocyo ayuu leeyahay? Muhiimad intee le’eg ayay leedahay in la ogaado noocyada jacaylka?

Laba qof ayaa si la yaab leh isku jeclaa guurka ka hor, markii ay is guursadeen ka dib heerkoodii jacayl hoos ayuu u dhacay, waxa batay is qab-qabsigoodii. Mushkiladdu waxa ay ahayd baa laga yaabaa in uu mid kastaa ku doodayay/say “ima jecla!” oo ay micnaheedu tahay sidii aan anigu doonayay iima jecla. Waxa uu/ay ka qiyaas qaadanaysaa nooca jacayl ee ay leedahay ee uu Alle ku abuuray. Sidaa daraadeed, waxa habboon in uu qof walba barto nooca jacayl ee uu ku abuuran lammaanihiisa, dabadeedna uu teedaa kula dhaqmo; isaguna uu ogaado

noociisa jacayl ee ku abuuran isaga, dabadeedna uu iyadana baro si ay kula macaamisho uun noociisa jacayl. Muhiimaddaas ayay leeyahay barashada noocyada jacaylku.

Jacaylku wuu noocyo badanyahay balse qaybo ka mid ah waa kuwan hoos ku xusan:

1. Jacaylka Roomaansiga ah

Jacaylka Roomaansiga ahi waa mid ku salaysan hab-muuqaalka jidhka. “Bal eeg indhaheeda waaweyn, bal eeg codkeeda dacsan, bal eeg sankeeda dheer, bal ila eeg timaheeda baallaha ka dhacay…” ayay had iyo goor ku luuqeeyaan dadka uu noocooda jacaylku yahay Roomaantiga.

Jacaylka noocan ahi waxa uu ku badanyahay Dhallinyarada 20 jir hoos uga yar. Sababta ay jidhka uun wax ugu qiimaynayaan ma aha in ay caqli yaryihiin balse waa kacdoon fal-celineed oo ka turjumaya koritaanka rabitaanka jinsi ee uu Alle ku abuuray. Dabadeed, jacaylka noocan ah ayaa ay aad ugu dhawyihiin waayo weli waxa aan u si fiican ugu kobcin caqligii ay ku qiimayn lahaayeen qaybaha kale ee qofka ay jeclaadeen (tusaale: dabeecadda) iyaga oo wax ku qiimaynaya jidhka (rag iyo dumarba).

Jacaylkani sida oo kale waxa ku sifoobay dad waaweyn (rag/dumarba) oo aanu weli ku fillayn garaadkooda ay ku qiimayn lahaayeen qofka kale ee ay is jeclaadeen, iyaga oo ka eegaya uun hal dhinac oo ah dhinaca jidhka balse aan u fiirsanayn qaybaha kale ee ay tahay in qofka laga qiimeeyo (tusaale: dabeecadda).

2. Jacaylka Bislaaday (Qaan-gaadhka ah)

Jacaylka bislaaday waa ka ku salaysan aragtiyo, mabaadi’, qiyam nololeed, iyo baahiyo ay labada dhinac isku dhammaystirayaan. Waa nooc jacayl oo uu caqligu xukumayo falcelin kasta oo aan hab-muuqaalka qofka lagu qiimaynayn. Waa xaalad uu garaadku leeyahay awoodda qiimaynta waaqica iyo mawqifyada nolosha si ay u maareeyan.

Keebaa fiican, jacyalka jacaylka Roomaansiga ah iyo Jacaylka Bislaaday? Inta aanad su’aashan ka jawaabin is waydii su’aal kale: “Waa maxay nooca jacayl ee qofka kale?” Dabadeedna, in aad u buuxiso baahida nooca jacayl ee qofka kale ayaa ah jacaylka ugu wanaagsan.

La soco…

Ahmed Ali Diriye