NOOCYADA JACAYLKA (Q – 2 AAD)

Qaybtan tii ka horreysay waxa aynu ka soo hadalnay laba nooc oo ka mid ah noocyada jacaylka. Imikana halkii beynu ka sii anbo qaadi doonnaa.

3. Jacaylka Ciyaarta Ah

Noocan jacayl waa marka lammaanaha is jecel marka uu mid ka mid ah ka kale u soo dhawaado uu ka kale fogaanayo, sidaa caksigeedana, marka uu kii fogaaday soo dhawaado ayuu kii markii hore soo dhawaa sii fogaanayaa. Waaba sidii oo aad mooddo in ay labadoodu isku ciyaarayaan. Mid baa kan kale si qoto dheer u jeclaanaya, dabadeed tii/kii la jeclaaday ayaa ka fogaanaya kan kale, muddo ka dibna, isagii/iyadii la jeclaaday ayaa dib u jeclaanaysa oo isagii ayaa fogaanaya.

Mar labaad, noocyada jacayl midna mid kama wanaagsana, wey kala duwan yihiin balse ma kala fiicna. Jacaylka ugu fiican ee lammaanaha dhex maraana, waa ka uu mid walba kan kale garaayo noociisa jacayl dabadeedna uu sidiisa/sideeda kula dhaqanto.

4. Jacaylka Rooxaaniga Ah

Waa nooca jacayl ee lagu cabbiro hadallo aan caqli gal ahayn. Tusaale ahaan, “waxan rabaa jacayl ilaa samada isku shareera, jacayl ay dadka kale ka sheekaystaan, jacaylka ugu weyn jacayladda…iwm.” Qofka noociisa jacayl yahay kan rooxaaniga ah, waxa uu had iyo goor dalbadaa dalabyo aan xad lahayn mararka qaarkoodna ay adagtahay fulinteedu.

Sidee loola dhaqmayaa qofka noociisa jacayl yahay kan rooxaaniga ah? Isku day in aad si dadban uga dhaadhiciso in aanay macquul ahayn dalabaadkiisu adiga oo isaga la kaashanaya. Sidee ayaad ula kaashanaysaa? Weydii su’aalo aad ka codsanayso sidii aad dalbaadkeeda/kiisa u fulin lahayd. Tusaale ahaan, haddii uu/ay ku tidhaahdo “Jacaylkeennu ha noqdo jacaylka ugu weyn jacayllada inaga oo isla duulayna”, waxa aad ugu fal celisaa weydiimadan “waa si fiican in aynu isla duulno, laakiin side ayaynu u wada duulnaa, bal I tilmaan?”

Waxa habbon in dalabaadkeeda/kiisa la dareensiiyo in uu noqon karo mid waaqica la falgali kara iyo in kale, sababtuna waa dalabaadkeeda/kiisa oo aan xad lahayn awgeed. Haddii kale, waxa laga yaabaa in ay hadhow canaan iyo cambaarayn joogto ah sababto.

Jacaylku keliya ma aha dareen balse waa mashruuc ay tahay in la samaysto. Qof kastaana wuxu ku dhashaa noociisa jacayl ee u gaarka ah. Sidaa daraaded, In la fahmo nooca jacayl ee qofka kale iyo in uu isaguna/iyaduna fahansiiso nooceeda jacayl ayaa muhim u ah labadodaba si ay u haqabtiraan baahiyahooda nafsiyeed oo ay u awdaan gal-dallooladooda.

5. Jacaylka Xanuunka Ah

Waa xaaladda uu ninku/gabdhu iska dhaadhiciso in uu jecelyahay qof kale oo aan warba ka hayn. Gabadh xoghayn ah ayaa laga yaabaa in ay iska dhaadhiciso in uu maamuleheedu jecelyahay. Nin baa laga yabaa in uu isku qufulo in ay jeceshahay gabadh fannaad ah oo caan ah. Farriimo ayuu u dirayaa, haddii ay u soo jawaabi weydana wuxu iska dhaadhicinaya in ay mashquul tahay.

 Xidhiidhka jacayl waa dabar iskaabis iyo is dhamaystiris. Mid waliba waxa uu kan kale u buuxinaya baahida nafsiyeed ee ka maqan. Halka uu ninku ku liito gabadha ayaa u kaabaysa, halka ay gabadhu ku liidatana ninka ayaa u kaabaya. Si ay tani u dhacdo, waa in uu gabadhu ninka kula dhaqantaa sida uu yahay, ninkuna uu gabadha kula dhaqmaa sida ay tahay. Si ay tani u sii dhacdana, waa in uu mid walba gaarkiisa u ogaada nooca jacayl iyo baahida nafsiyeed ee uu u baahnayahay/u baahantahay in loo buuxiyo.

Ahmed Ali Diriye