“Noo Kordhiya oo Tuumbooyinka Noo Wada fura…” – Agaasime Maxamed Xasan Cali ‘Weji’

 

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Telefishanka Qaranka ee Somaliland Maxamed Xasan Cali (Weji) oo hadal ka jeediyey Kulan mahad-naq ah oo shaqaalaha wasaaradda Warfaafintu ku maamuuseen Madaxda Wasaaradda, ayaa farriin u diray Wasiirka iyo Agaasimaha Guud.

Agaasime Maxamed Xasan Cali ‘Weji’ ayaa farriinta uu u jeediyey Madaxda Wasaaradda ugu duur-xulay weedho uu ku muujiyey sida ay munaasibadka u tahay in miisaaniyadda loo kordhiyo waaxaha wasaaradda, gaar ahaan Tv-ga Qaranka si loo tayeeyo wax-soo-saarka, sida wararka iyo barnaamijyada.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadalka Maxamed Xasan Cali ‘Weji’ ka Jeediyey Munaasibadda Kulmiye Madaxda iyo Shaqaale-weynaha Wasaaradda Warfaafinta