“Noloshaydu aad bay u liidataa … Maxaan u silcayaa?”

 

 

  • NOLOSHAYDU WAA WADA MURUGO!

Imisa jeer ayaad is-aragtay adiga oo ku dhex jira xaalad aanad jeclaysateen in aad wajahdid?
Imisa jeer ayaad dareentay in noloshaadu isku-qasan tahay?
Imisa jeer ayaad is-aragtay adiga luminaya xakamaynta naftaada?
Imisa jeer ayaad rejaysay in ay fiicnaan lahayd in aad qof kale ahaatid, ama aad dhimatidba?
Imisa jeer ayaad dareentay in noloshaadu aad u murugaysan tahay?
Waxa dhici karta in xilliyadani agtaada wax caadi ah ka noqdaan; xilliyada aad naftaba u nici lahayd adiga oo garan waayay wax aad samayso darteed!

 

Xilliyadan waxa mara hantiilaha iyo saboolka, ka caanka ah iyo ka aan la aqoonba, da’yarta iyo duqayda, … balse waxa jira koox dadka ka mid ah oo iska difaaca in ay maraan xaaladahaas iyaga oo U DIIDA xilliyadaasi in ay noloshooda soo maraan!

 

 

  • ANIGU WAAN DIIDAY!

Mar kasta oo aad waajahdid mid ka mid ah waqtiyadan xunxun, ama aad aragtid noloshaadii oo qaadday dhabbo aanad ku qanacsanayn, JOOJI waxan aad samaynaysid oo BILAW in aad diiddo!

 

Diididda la diido in la isu dhiibo xaaladaha qalafsan ee noloshu kuma timaaddo hadal uun, ama fekerka oo la beddelo, balse waxa ay u baahan tahay fal iyo tallaabo la qaado.
– Diid in aad dhibbane noqotid adiga oo aragtidaada nolosha doorinaya.
– Diid in aad xaalad xun iyo qulub la tacdaraysnaatid adiga oo akhrisanaya iscaawinta, naftaadana wax badan ka baranaya.
– Diid in aad guuldaraysato adiga oo baranaya sida aan la isu dhiibin.
– Diid in aad rejo-dhigto adiga oo adkaysi la imanaya.
– Diid in aad faqiir ahaatid adiga oo hawlkarnimo la imanaya.
– Diid in aad murugaysnaatid adiga oo ka takhallusaya wax kasta oo ku qasaya.
– Diid in aad shaqadaada necbaatid adiga oo markaaga horaba raadsanaya (ka shaqaynta wax aad jeceshahay).
– Diid in aad ambatid adiga oo qorshayaal cadcad dhiganaya.

 

 

 

  • MAXAAN U SILCAYAA?

Gu’yaal dhawra ka hor waan dareen xumaa, sababta oo ah waxa iga maqnaa isfahanka nafeed, mana aan fahansanayn sababta aan ugu dhex jiro xaaladahan aan wanaagsanayn ee i dishooday, balse waan DIIDAY in aan khalkhalo. Waxa aan bartay oo aan dersay Kasmo-nafeedda, Psychology, jeeroon ka gaadhay heer khabiirnimo.

Laba sano ka hor waan necbaa shaqadayda, waxa aan ka soo istaagay noloshii xafiiska, waxaanan sannifay in maamulahaygu i xakameeyo. Waxa aan DIIDAY in aan murugo ku noolaado, ka dibna waxa aan yagleelay degelkayga ii gaarka ah oo haddeer aan ka helo shan laabka mushaharkaygii hore.

 

 

Dhawr sanno ka hor qof caato ah ayaan ahaa, ardayda aannu isku fasalka nahayna waa iga maadsan jireen. Waxa aan DIIDAY in aad daciif u eekaado, waxa aanan galay jiimka (gym), waxa aan bartay feedhtanka, Aikido iyo suuq-ku-dagaalanka.
Anigu ma ihi noole kale mana ihi cirka-soo-dhac, ee keliya waxa aan ahay qof rumaysan intii aan caban lahaa in aan DIIDO in aan silco.

 

 

Laba nooc oo dad ah ayaa dunidan jooga: kuwo SILCA iyo kuwo DIIDA SILCIDDA.

“Maxaan u silcayaa?”.
“Sababta oo ah adiga ayaa doortay in aad silicdid!”.

Sida cad anigu kama hadlayo ruux xanuun ama nusqaan caafimaad la silcaya kana cabanaya, balse waxa aan ka hadlayaa dadka noloshooda u doora jid ay ku silci doonto, hadhowna ismooda in ay dhibbanayaal yihiin!

 

Dadkani waxa ay doortaan marin, wayna ku dhegaan, hadhowna waxay u qaataan in ay dabran yihiin! Iyaga oo sidaas samaynaya ayay u qiil raadiyaan silica ay ku jiraan, oo heer baabay gaadhsiiyaan ay ku canaantaan dad kale go’aan ay iyagu qaateen!

Shalayto waxa i soo wacay mid ka mid ah TV-yada gudaha laga leeyahay iina sheegay in aan u daadihiyo barnaamij ii gaar ah si toddobaadle ah. Soo wicid iyo may ahayd! Hadda ayaan horumarin karaa degelkaygii, hadda ayaan caan noqon karaa soona hoyn karaa faa’idooyin hor leh.

 

 

U kaadi, si aan waxaas oo dhan u helo waa in aan jaraa masaafo dhan 400 (afar boqol) oo Kiiloomitir maaddaama xafiiska TV-gu magaalo kale ku yaallo.

Laga yaabaa in aad ku raaxaysatid u safriyidda cid kale, balse aniga waxa ay ii ahayd tijaabo qadhaadh.
Maxaad samayn lahayd haddii aad kabahayga ku dhex jirtid? Ma oggolaan lahayd soobandhiggaa TV-ga adiga oo neceb kallahaadda? Si aad u ogaatid jawaabta aan bixiyay hore u sii akhri maqaalka.

 

  • DADKU WAXAY U SILCAAN IYAGA AYAA DOORTA SILICA!

Waxa aad neceb tahay shaqadaada, ma sii joogi kartid, iska wax kale e xataa waxa aad neceb tahay in aad agmartid dhismaha aad ka hawlgeshid … Haddii ay sidaa tahay, maxaad weli uga sii shaqaysanaysaa? Sababtu waa ay iska caddahay, waxa aad moodaysaa in aad dabran tahay oo aanad haysan doorasho labaad.

Markii aynnu yaryareen, waxa aynu khaati-bil-marra ka taagnayn rumaynno khaldan oo ciiddaa iyo camaarkaa ah, kuwaas oo badideen ka dhigay in ay silica u arkaan wax iska caadi ah, ama wax ay tahay in la sii maro si loo gaadho yoolka.

 

Waa in aad u dhibtootaa gaadhidda ujeeddooyinkaaga, waa in aad waqti adag soo martaa bilawga inta aanad noqod qof gudba, ‘nimaan hawshoon haakah ma yidhaahdo’ waa tusaalaha aaminaadda sumaysan ee aynnu yaraanteedii ku soo dhibtoonnay.

Sababta ay khuraafaadkan oo kale inoogu bataan waa iyaga oo habfekerkeennii gaadhsiiyay heer silcidda aynu u aragno wax aan laga baxsan karin.

 

Waxaynnu ismoodsiinnay in aynu xannibannahay oo cabasho iyo saxariir mooyee aynaan si kale ku gaadhi karin waxa aynu rabno in aynu gaadhno.

 

Buuggayga ‘The Ultimate Guide to Getting over Depression” waxa aan ku sharxay qaabka ay samaysanka rumaynahan oo kale ay u sababaan qulubka, depression. Marka laga qiyaas qaato in qulubku ka dhasho ka rejo-dhigidda la tacaalidda dhib go’an oo nolosha ah, haddii aad aaminaaddan khaldan qaadatid, waxa aad maskaxda u diraysaa qaylo-dhaan ah in ‘rejadii luntay’, maskaxduna waxa ay ku soo warcelinaysaa qulub.

Maxaad noloshaada oo dhan ugu qaadanaysaa silica, ee aad u sii samaynaysaa wax aad neceb tahay samayntiisa? Ilaa goorma ayaad sidaa uun u raxanraadi?

 

Markii aad dugsiga ku jirtay waxa laguu sheegay in saxariir iyo dhibmudasho kaa xigto jaamacadda, jaamacaddiina waxa haddana laguu sheegay in aad silicdid oo aad aad u xiiqdid si aad u garaaddo-goysid oo aad shaqo u heshid, shaqadii markii aad bilawday ayaa haddana laguu sheegay in hawl badnaan iyo isfeedho-goyn uun lagu hanan karo derajo sare…
Bal ii sheeg ilaa goorma ayaad silci uun, oo aanad garwaaqsanayn in aad u baahan tahay nolol farxadi ku dheehan tahay?

 

 

  • WAAN SAMEEYAY, WAANAN SAMAYNAYAA MAR KALE

Laba gu’ ka hor ku dhawaad dadka oo dhami waxa ay ii sheegeen in aanan lacag badan samayn karin jeeroon sida dadka kale u kacaa-kufo. Sababo badan aawadood uma aan rumaysan, waxa aanan bilaabay in aan waddo ka dhigto ganacsiga eBusiness oo ah hab lacag lagu dhalin karo oo u baahan hawl yar.

Qof kastaa waa uu iga soo horjeeday, xataa dadkii aadka iigu dhawaa ma ay rumaysnayn in aan samayn karo, balse aakhirkii waa aan sameeyay! Waxa aan doortay hannaan aanan ku dareemayn wax silcid ah, haddana aan ka helayo lacag ka badan inta asxaabtaydu helaan.

 

 

Ma aan tegin barnaamijkii toddobaadlaha ahaa, sababtoo ah waxa aan diiddanaa in aan socdaalo 400Km usbuuciiba, si bilaa xiise ah. Mar kale ayaa aan gaadhayaa go’aan weyn, mar kale ayuu go’aankaygu dad badan u caddayn doonaa sannado yar gudahood in dadku gaadhi karaan waxa ay rabaan iyaga oo aan silcin, isla markaana ku nool nolol farxad leh.

 

 

  • GEBAGEBO

Haddii aad la ciishoonaysid sababta wax aad beddeli kartid, adiga ayaa doortay in aad ciishootid. Waxan aad ku sugan tahay adiga ayaa goostay in aad ku sugnaatid, cid kale kuma canaanan kartid.

Bannee shaqada aanad ku raaxaysanayn, isugu joogso xidhiidhka silica kuugu wacan, kana fogow waxkasta iyo cidkasta oo silicaaga ka talinaysa. Yeelo hal-abuurnimo, adkaysi, awood curineed kuna iimaanqab oo ku kalsoonow awoodahaaga, waxa aad heli dhabbo kale oo ka madaxbannaan silic iyo saxariir oo kugu ridaysa waxa aad rabtid.

***
Qoraalka la haltebiyay: My life is so sad. Why am I suffering?

W/Q: M.Farouk Radwan
W/T: Cabdicasiis Guudcadde