“Ninkii Nabadgelyo-darro Damca Inuu Sameeyo Wallaahi Gurigiisa Ayaanu Ugu Galaynaa” Jeeni-yare

Hargeysa, (SLpost)- Badhasaabka gobolka Maroodijeex Maxamad Maxamuud Cali (Jeeniyare)  ayaa digniin adag u diray cid kasta oo isku dayda in ay dalka ka samayso dhaqdhaqaaqyo lagu waxyeelaynayo nabadgelyada iyo midnimada qaranka Somaliland, waxaanu wacad ku maray ciddii lagu tuhmo in ay nabad-geliyada waxyeelaynayso inay guryahooda ugu daadan doonaan.Badhasaabka Maroodi-jeex

Badhasaabka gobolka Maroodijeex waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa magaalad Hargeysa, uga horrayn isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Shirkayagan jaraa’id waxa uu ku saabsan yahay niman aan xalayta Telefiishanada ka arkayay,  wadankana nabad galiyo darro ku wada oo ah labada xisbi ee mucaaridka ah  iyo nimanka sharci-darrada ah ee la magac- baxay Madasha Wada tashiga, niman odayaala oo inta badan aanu annagu ka war-wareegi jirnay oo aanu is odhan jiray waa odayaal waa weyn oo ay wax ka khaldan yihiin, waxaa ay sheegeen inay yihiin qaran dumis oo waa ay caddaysteen, kana dulqaadan mayno oo gobolkii Maroodi-Jeex ayaanu nahay, caasimadii dalka weeyaan, halkan cid kasta oo isku dayda inay nabadgaliyo darro ka sameyso guryahooda ayaanu ugu galaynaa.”

Maxamad Maxamuud Cali (Jeeniyare) waxa kale  oo uu sheegay in maanta dalka Somaliland uu dhan kasta horumar ka sameeyay, islamarkaana aanay jirin cid dumin karta  qaranimada Somaliland, odayaashaasina haddii aanay ka noqon shirkaa ay ku baaqeen inaanay u dulqaadan doonin, isaga oo arrimahaas si faahfaahsan uga hadlaayayna waxa uu yidhi “Shacabkani maanta uma baahna cid tidhaahda dib ayaanu u celinaynaa oo waa duminaynaa ,waad aragtaan maanta ganacsigeenu meesha uu marayo, nabadgaliyadeennu meesha ay mareyso, caafimaadkeenu meesha uu maraayo, waxbarashadeeni meesha ay mareyso, kana dul-qaadan mayno niman gobolkan yidhaahda waanu duminaynaa oo qaranimadii Somaliland oo dhan ayaanu halkii caasimada aheyd ka burburinayna gobolka Maroodi-Jeex, waxaanu ballan qaadaynaa odayaashaasi waxa ay balan qaadeen haddii aanay ka waantoobin yaanay naga cabanin.”

Badhasabku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Waxaan leeyahay adeerayaal  shaydaanka iska naara ,ninkastaabana gurigiisa ayuu ka soo toosaa, nabadgaliyada aad  guryihiina ku seexataan, waanad ogtihiinoo annaguna  waanu ka war heynaa oo caruurihiinii  waxa ay jiraan qurbaha ,waxaanad rabtaan caruurihii wax baranayay iyo dadkii Magaaladda ku noolaa  inaad ku ciyaartaan, waa idinka qabanaynaa ummada haddii aad cagaha dhigan waydaan oo shaydaanka iska naari waydaan, cid odhanaysa dawladnimadaanu burburinaynaa ma suuroobayso, una  dulqaadan mayno oo ciidanka booliiska waa aanu u hambalyaynaynaa hawlgalada illaa  ay samaynayeen ,abnagaana hogaaminayna oo ciddii ka hortimaada ciidanka booliska balan ILLAAHAY gurigiisa ayaan ugu galaynaa.”

“Maan jeclanyn inaan dhaarto oo aan u dhaarto xisbiyada mucaaridka iyo nimanka odayaasha ah, hase yeeshe cidkasta sharcigaa ka weyn, mana suurtoobayso cid odhanaysa nabadgaliyo darraan samaynayaa, waxaanan leeyahay ka istaakhfurulaysta oo ka noqda waxa aad tidhaahdeen ,hadaad ka istaakhfurulaysan waydaan hanaga cabanina ayaanu idin leenahay, gobolkana nin nabadgaliyo daro ka sameyn kara ma jiro.” Ayuu yidhi badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Maxamad Maxamuud Cali (Jeeniyare).

Dhanka kale waxa uu Maxamad Maxamuud Cali Jeeniyare uu baaq u diray badhasaabada gobolada dalka, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan baaq u diraya badhasaabada gobolada ,waxaanan leeyahay waxa noocaasa ha yeelina, diida, u diyaar garooba, iskana celiya, talaabo adagna ka qaada, halkanay ka bilaabeen, waa iska celinaynaa sidaa aanu u soo afjaro idinkuna u soo afjara.”

“Shacabkana waxaan ugu baaqaynaa nimankaasi waa qaran dumis, waad aragtaan maanta heerka aynu higsanayno, jidadkeena ,nabadgaliyadeena ,caafimaadkeena ,ganacsigeena ,nabadgaliyada aynu meel walba ku marayno, qurba joogteena oo inoo soo noqonaysa oo dalkii maalgashanaysa, waxa ku soo duulaya dad kale ayaanu awal isha ku heyney oo aanu lahayn qaranimada Somaliland bay la dagaalamayaane ,ismaanu lahayn nimankii lahaa xukunbaanu sugaynaa iyo tartanbaanu galaynaa ayaa odhan doona dawladi ma jirto,” ayuu yidhi badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Cali Jeeniyare, waxaanu intaa ku daray “Qof kaliya oo maantana odhankara ma jirto dawladi ma jirto, xabsi baanu galindoonaa, arrinkani dastuurbuu leeyahay dawladnimaa jirta sharcigaana la horgayn doona, gobolkana anaa guddoomiye ka ah, oday qudha iyo wiil jiriya nin isku dayi kara inuu nabad galiyada waxyeelaa ma jiro, ninkii aniga iga dheerina hayga boodo, ninkii nabadgaliyo darro damca inuu sameeyaana Wallaahi, Billaahi Tollaahi gurigiisa ayaan ugu galayaa, halkanna nabadgaliyo daraan ka samaynayaa habeenkiina sariirtaydaan tagayaa oo nabadgaliya daraan ku baaqayaa suuroobimayso Waallaahi gurigiisa ayaan ugu galayaa yaanu iga caban nin qudhaati.”